“Wasaarad kasta oo fulinaysa mashruuc laga maalgeliyay iskaashi caalamiya, waa inay ku wareejiyaan Guddida Qandaraasyada Qaranka” Madaxweynaha JSL
“Qandaraasyada mashaariicda waa in ay maraan habraacyada rasmiga ah ee Guddida. Waa waajib sharci ah in la raaco nidaamka guddida”
Madaxweynaha oo golaha wasiirrada faray qorshe qaran oo lagu hagayo Qandaraasyada mashaariicaha horumarineed ee Somaliland
Qore Axmed M. Saleebaan.
Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca xoojinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dawladda, gaar ahaan marka ay timaaddo maamulidda qandaraasyada qaranka, gaar ahaan mashruucyada laga maalgeliyo deeqaha iskaashiga caalamiga ah. Sida uu dhigayo Xeerka Qandaraasyada Qaranka, Xeer Lr. 82/2018, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada faray in wasaarad kasta oo fulinaysa mashruuc noocaas ah ay waajib ku tahay in ay qorshayaasha qandaraasyadooda ku xereeyaan Guddida Qandaraasyada Qaranka, isla markaana ay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada iyo tilmaamaha ay guddidu dejisay.
Tallaabadani waa go’aan geesinimo leh oo waqti ku habboon ku soo beegmay. Waxaa jirta baahi sii kordheysa oo loo qabo in si hufan oo daah-furan loo maamulo dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee qaranka, si loo sugo kalsoonida bulshada reer Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Somaliland. Sidoo kale go’aankan madaxweynaha Somaliland ayaa ah mid lagu xaqiijinayo in dhaqaalahaha iyo mashaariicda horumarineed dalka ay noqdoon kuwo loo maareeyo si hufan, caddaalad ah, oo waafaqsan shuruucda dalka. Qandaraasyada ay ku lug leeyihiin deeqaha dibedda ayaa inta badan noqda meelaha ugu nugul musuqmaasuqa iyo maamul-xumada, haddii aan si dhow loo kormeerin.
Guddida Qandaraasyada Qaranka waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta nidaamka sharciyeed ee qandaraasyada, waxaana habboon in hay’adaha dawladeed ay si buuxda ula shaqeeyaan, si looga fogaado wax is-daba marin, eex, ama qaabka qandaraas-bixinta aan waafaqsanayn xeerarka qaranka. Hoggaaminta Madaxweynuhu waxa ay farriin cad u tahay dhammaan hay’adaha fulinta: taas oo muujinaysa in uu dhammaaday wakhtigii qandaraasyada “gacan-hoose lagu dhammayn jiray”, isla markaana lagu shaqaynayo nidaam daah-furan iyo hufnaan.
Fulinta amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si toos ah u suurtagelinaysaa in dhammaan mashaariicda horumarineed ee qaranka, in lagu dabaqo hanaan furan oo waafaqsan nidaamka qandaraasyada qaranka. Tani waxay ka dhigan tahay in mashruuc kasta oo dalka laga hirgelinayaa ay sharci tahay in uu maro hab-raacyada sharciga ah ee ay dejiyeen Guddida Qandaraasyada Qaranka, taasoo muhiim u ah hubinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo waxtarka maalgashiga horumarineed.
Waxaa sidoo kale mudan in la xuso in Guddida Qandaraasyada Qaranku ay horumarisay nidaam maamul oo caddaalad iyo daahfurnaan leh. Iyadoo si joogto ah loo faafiyo xogta la xidhiidha qandaraasyada, guddidu waxay sare u qaaday kalsoonida shacabka iyo fahamka dadweynaha ee ku saabsan sida ay u socdaan mashruucyada lagu fuliyo hantida dadweynaha.
Ugu dambayn, amarkan waxa uu astaan u yahay hoggaan daacad ah oo doonaya in uu dib u habeeyo nidaamka maamulka hantida iyo mashruucyada dalka. Waa in laga faa’iideystaa fursaddan si loo xoojiyo hannaanka dowladnimo ee Somaliland, iyada oo tallaabadan cusub ee uu madaxweynuhu qaaday ay tahay mid la jaanqaadaysa nidaamyada caalamiga ah ee maamul wanaagga.






















