“Somaliland: Tusaalaha Xasilloonida Afrika iyo Saaxiibka Istiraatiijiga ah ee USA…!” Canab Riyoraac

0
93

Loudoun (Dawan)- Canab Maxamuud Cali Riyoraac, oo ah aasaasihii hore ee kooxda u doodista istaraatijiyadeed ee qadiyadda Somaliland, sidoo kalena ah xubin firfircoon oo ka mid ah doodayaasha caalamiga ah ee hanaanka dimuqraadiyadda, ayaa si xooggan uga hadashay xafladda 3aad ee sannadlaha ah ee Guddiga xisbiga muxaafidka ah ee Maraykanka (Jamhuuriga) ee Gobolka Loudoun, ee dalka Maraykanka halkaas oo ay ka jeedisay khudbad muujinaysa safarkii caanka ahaa ee ay Somaliland u soo martay madaxbannaanida iyo doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaari karto danaha istiraatiijiyadda ee Maraykanka.

Xafladda, oo lagu qabtay Grand Ballroom ee The Hilton, waxay soo jiidatay hoggaamiyayaasha Jamhuuriga, saraakiil sare, iyo taageerayaal, kaas oo halkudhigiisa loo xushay waddaniyadda, isla markaana qaadhaan lacageed loogu ururinayay barnaamijyada xisbiga ee deegaanka.

Khudbadda Canab, oo xambaarsanayd xamaasad weyn ayaa muujisay in Somaliland ay tahay tusaalaha xasilloon ee Afrika, iyadoo ku baaqday in Maraykanku aqoonsado, taas oo si fiican ula jaanqaadaysa mawduuca xafladda ee horumarinta qiyamka Maraykanka ee dibadda.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah, sida Xildhibaan Nancy Mace oo laga doorto South Carolina iyo Xildhibaan Lauren Boebert oo laga doorto Colorado, kuwaas oo caan ku ah difaaca xooggan ee mabaadi’da dastuuriga ah. Waxaa kaloo ka hadlay Cabdirisaaq Jaamac, Guddoomiye Ku-xigeenka Kooxda u Doodista Istaraatijiyadeed ee Somaliland (SLSAG), ahna afhayeenka oo soo bandhigay dadaallada aasaasiga ah ee lagu horumarinayo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.

Xafladda, oo uu marti-geliyay Guddoomiyaha Guddiga Jamhuuriga ee Gobolka Loudoun, Scott Pio, waxay tusaale u noqotay hoggaanka bulshada ee kor u qaadida fikradaha muxaafidka ah ee heer deegaan iyo caalami.

Codka Somaliland ee aan la Aqoonsanayn

Canab waxay ku bilowday khudbadda mahad-celin ay ujeedisay dadkii ka soo qayb galay, iyadoo sheegtay, “Runtii waa sharaf iyo mudnaan inaan maanta idin hor istaago. Waxaan idinka mahad-celinayaa fursadda aad i siiseen inaan ku biiro xafladdan sharafta leh iyo hoggaanka aad u keentaan qarankeena, degmadeena, iyo iskaashiga caalamiga ah.”

Waxay si degdeg ah u gudubtay ujeeddadeeda ugu weyn, iyadoo soo bandhigtay in Somaliland ay tahay dimuqraadiyad soo koraysa oo haddana inta badan lagu qariyo deriskeeda qalalaasaha badan, Soomaaliya. “Somaliland MAAHA Soomaaliya!” ayay ku nuux-nuuxsatay, iyadoo sacab weyn ka heshay caddaynta kala duwanaanshaha muhiimka ah ee labada dal. Canab waxay ka sheekaysay taariikhda adkeysiga ee Somaliland: “Somaliland waxay xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska Juun 26, 1960, waxayna muddo kooban ku biirtay Soomaaliyadii Talyaanigu xukumijay, midow aan “sharci ahayn ama aan la sixin” ayay tidhi Canab Riyoraac. Waxaanay intaasi ku dartay “Midowgaasi wuxu burburay xilligii kaligii-taliyaha Maxamed Siyaad Barre, oo dagaalo ay ciidamadiisu soo qaadeen ay naftooda ku waayeen kumanaan Somalilanders ah. Iyadoo aan laga niyad jabin, shacabku waxay dib ula soo noqdeen madaxbannaanidooda May 18, 1991, iyagoo abuuray qaran hadda Tusaale loogu soo qaato Afrika oo abuuray nidaam dimuqraadiyadeed oo aan nooceedu ka jirin qaaradda!”

Iyadoo muujinaysa shahaadooyinka dimuqraadiyadda ee Somaliland, Canab waxay sheegtay doorashooyinka joogtada ah “hal qof, hal cod”, wareejinta awoodda ee nabdoon, iyo nidaamka xisbiyada badan oo leh saddex xisbi oo firfircoon.

Waxay xustay sharciyada shaqaynaya ee dhammaan laamaha dawladda, lacagteeda madaxbannaani, iyo ciidamo milatari oo karti leh. “Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudaha qarannimada waxayna mudan tahay in dib loo aqoonsado si caalami ah sida uu qabo Heshiiska Montevideo,” ayay xaqiijisay, iyadoo hoosta ka inay tahay saaxiib dabiici ah oo Maraykanka, oo ay ku dhaqmaan ballanqaadyada xorriyadda iyo is-xukunka.

Muhiimadda Istiraatiijiyadda: Xoojinta Danaha Maraykanka ee Geeska Afrika

Canab Riyoraac oo ka hadlaysay jiyobolotikiska (geopolitics), waxay si qancin leh u sheegtay sababaha ay Maraykanku muhiim ugu tahay inuu la shaqeeyo Somaliland: “Waa in Maraykanku joojiyo Shiinaha inuu soo galo Afrika iyo gaar ahaan Somaliland!” Waxay iftiimisay goobta muhiimka ah ee Somaliland ay ku taal ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Badda Cas ee Bab el-Mandeb oo ah xudunta ganacsiga caalamiga ah oo Maraykanku aanu lumin karin in Shiinahu kala wareego.

“Somaliland, oo leh 68,000 mayl laba jibaaran iyo in ka badan 800 kiiloomitir oo xeeb ah, kuna noolyihiin ummad gaadhaysa 6.2 milyan, iyadoo Hargeysa ay tahay caasimaddeeda firfircoon iyo Madaxweyne Cabbdiraxman Maxamed Cabdillahi (oo la doortay muddo yar ka dib guushii Donald J. Trump ee 2024) oo hogaaminaya.”

Canab waxay ammaantay xidhiidhka dhow ee Somaliland ay la leedahay Taiwan, iskaashigaas oo ka xanaajiyay Shiinaha, isla markaana keentay in Shiinahu bilaabo sida xogo badan tilmaamayaan inuu khalkhal geliyo gobollada bariga ee Somaliland. “Sababtoo ah goobta istiraatiijiyadda ah ee Somaliland, Maraykanka waxaa loo baahan yahay in uu aqoonsado Somaliland,” ayay ku boorisay, iyadoo ku xidhiidhinaysa ajandaha “America First” ee Madaxweyne Trump.

“Somaliland aad bay muhiim ugu tahay Maraykanka inuu iska indho tiro! Fadlan ka taga siyaasadda guul-darrada ah ee hal-Soomaaliya.” Iyadoo tixraacaysa horumarka qadiyadda madaxnanaanida Somaliland ee ka socda goleyaasha sharci-dejinta Maraykanka, Canab waxay si xushmad leh ugu baaqday xildhibaanada Koongaraska inay taageeraan qaraarka H.R. 3992, ee Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu soo bandhigay Xildhibaan Scott Perry (R-PA) bishii Juun 2025. Sharcigan, oo ay taageerayaan labada xisbi, wuxuu taageerayaa in si rasmi ah loo aqoonsado Somaliland inay tahay qaran madaxbannaan, isagoo burinaya sheegashada dhuleed ee Soomaaliya iyo oggolaanshaha tallaabooyinka madaxweynaha.

Canab oo tixraacaysa dareenkii Xildhibaan. Ted Cruz, oo dhawaan ka dalbaday Madaxweyne Trump inuu hogaamiyo aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, Canab waxay ku dooday in aqoonsigu “ahayn oo kaliya mid sugaya cadaaladda dadka Somaliland ee sannado badan dhibaatada soo maray sugayeen, laakiin sidoo kale waa danaha ugu wanaagsan ee Maraykanka.”

Muuqaal Midaysan oo Xorriyad iyo Amniga

Canab Riyoraac ayaa ku soo gabagabaysay khudbadeedii rajo: “Markaan soo gabagabeeyo, xubnaha sharafta leh ee Koongaraska, waxaan idinka mahad-celinayaa adeegiinna iyo hoggaankiinna. Ilaah ha barakeeyo, Somaliland, iyo Maraykanka.” Erayadeeda waxay si qoto dheer u soo jiiteen, dhamaan ka soo qeybgaleyaashii madasha.

Khudbada Canad Riyoraac ee guulaha Somaliland waxay ina xusuusinaysaa: Waddaniyadda runta ahi inaanay xaddidin xuduudo waxay ku saabsan tahay u hiilinta xorriyadda meel kasta oo ay ku guulaysato.