Weeraryahanka reer Talyaani Federico Chiesa ayaa muujiyay go’aankiisa ah inuu u dagaallamo booskiisa kooxda Liverpool kadib bandhig heer sare ah oo uu ka sameeyay guushii 2-1 ee Carabao Cup ay kaga badiyeen Southampton.
Chiesa, oo fursado xaddidan helayay tan iyo markii kooxdu suuqa ka xamaalatay xagaagii, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu dib ugu noqon doono Serie A. Waxa uu sheegay in ujeeddadiisu tahay in uu la tartamo weeraryahannada kale ee xiddigaha ah ee kooxda Anfield.
“Waxaan u ciyaaraa koox heer caalami ah, laga yaabee mid ka mid ah saddexda ugu sarreysa adduunka,” ayuu yidhi Chiesa.
“Haddii aanan rabin tartan, waxaan aadayaa koox kale. Laakiin waxaan doonayaa tartanka, waxaan doonayaa inaan halkan ka ciyaaro. Tartanku wuxuu kaa dhigayaa ciyaaryahan fiican.”
Hadalladiisa ayaa muujinaya sida uu u aqbalay duruufaha adag ee ka jira gudaha kooxda, halka uu rajo ka qabo in bandhigyadiisa ay kasbadaan kalsoonida tababare Arne Slot.

























