Xiddig Real Madrid ah oo Lamine Yamal Ugu Hambalyeeyay Kaalinta Labaad rr Ballon d’Or.

0
98

Weeraryahanka reer Argentina iyo Real Madrid, Franco Mastantuno, ayaa diiday in lala barbar dhigo xiddiga Barcelona Lamine Yamal, isagoo sheegay in diiraddiisu tahay adeegidda kooxda iyo guulaha wadajirka ah, ka hor inta aan laga fikirin abaalmarin shaqsi ah.

Mastantuno oo hadlayay kaddib guushii 4-1 ee Madrid ka gaadhay Levante ayaa yidhi:

“Waxaan hambalyo u dirayaa Lamine oo kasbaday booska labaad ee Ballon d’Or. Waa ciyaaryahan weyn, mana u baahna qirashadayda.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Aniga ahaan, waxaan isku dayaa inaan qofna la ila barbar dhigin, balse aan xoogga saaro inaan u ciyaaro kooxdayda, waayo waxaan aaminsanahay in heerka shaqsiga uu ka yimaado bandhigga wadajirka ah.”

Xiddiga reer Argentina ayaa sii raaciyay:

“Haddii kooxda si fiican u shaqayso oo aan hawsha si habboon u qabanno, waxay caawisaa in ciyaaryahan walba uu muuqdo. Waxa muhiimka ah waa dadaalka guud; arrimaha shaqsiga iyo isbarbardhigga waxay ii yihiin mudnaan labaad.”