Xikmadaha

0
63
  • Dhiranaantu waa fursadda ugu fiican ee wax kasta lagu samayn karo.
  • Wada shaqaynta kooxdu way yaraysaa culayska shaqada.
  • Qofna sida toban qof uma caqli iyo xoog badna.
  • Adduunyadu waa bad gun dheer, dad badanina way ku halaagsameen, cabsida Allah ku ilaali markabkaaga.
  • Islaamka dhabta ah waa kan dunida siin kara macnaha nolosha.
  • Noloshu ma noqonayso janno, laakiin waa inaan ka shaqeynaa si aanay u noqon cadaab.
  • Nacasku wuxu u nool yahay inuu wax cuno, caaqilkuna wuxuu wax u cunaa si uu u noolaado, mu’minkuna wuxuu u nool yahay inuu Allah caabudo.
  • Hadaanad Caalamka waxba ku soo kordhinayn, dheeraad ayaad ku tahay.
  • Dadka aaminsan in lacagtu wax kasta oo nolosha ah tahay, Helideeda ayay arrin kasta u sameeyaan
  • Dadka guulaystay waxay horumar ku sameeyeen wakhtiga ay dadka kale dayaceen.
  • Shaqadu waa inaad wax kasta u samayso si faa’iido looga gaadho.
  • Haddii aanu jirin hadaf aad gaadhaa, kama murugootid in aanad waxba samayn.
  • Fikraduhu waa kumanaan , qiimo ma leh haddan ficil laga dhigin.