Lord Maayarka Sheffield oo ka Hadashay Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland

0
65

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Lord Maayarka magaalada Sheffield ee dalka UK, Marwo Safiya Siciid Berberaawi, ayaa si qoto dheer uga hadashay qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland, iyada oo hoosta ka xarriiqday kaalinta muuqata ee ay bulshada ku dhaqan magaalada Sheffield ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ay ka qaataan ololahaasi. Marwo Safiya waxa kale oo ay xustay in dadaalladaas ay u baahan yihiin in la sii xoojiyo, isla markaana loo baahan yahay in ay si mug leh uga socdaan dalalka saameynta leh sida Maraykanka iyo wadamada Carabta, si loo abuuro cadaadis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ku gaadhi karto ictiraaf buuxa oo caalami ah.

Marwo Safiya, oo shalay u waramaysay Warbaahinta Carro Edeg Media, ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeyso bulshada reer Somaliland ee ku sugan Sheffield, kuwaas oo mar walba u taagan taageerada qaddiyadda ictiraafka Somaliland. Lord Maayar Marwo Safiya Siciid Berberaawi waxa kale oo ay hoosta ka xariiqday in arrintani u baahan tahay xoog iyo olole badan oo ka baxsan kaliya shaqada bulshada qurba joogta ah.

Marwo Safiya Siciid Berberaawi, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi: “Anigu si toos ah Ayaan ula shaqeeyaa bulshadeena reer Somaliland ee Sheffield, kuwaas oo si joogto ah u riixaya arrinta ictiraafka. Laakiin wali waxay u baahan tahay xoog badan. In aan ka seexano qaddiyaddan maaha. Waxa ay u baahan tahay Xildhibaano, Wasiiro iyo dad ka ololeeya caalamka intiisa kale, gaar ahaan Maraykanka, Imaaraadka iyo meel kasta oo dunida ah.”

Safiya waxay tilmaantay in ictiraaf raadintu ay tahay arrin ku xidhan tacaaruf iyo wacyigelin joogto ah, iyadoo ballanqaadday in ololahaasi uu sii socon doono, waxaanay tidhi “Arrintani waxay ku xidhan tahay tacaaruf badan. Insha Allah, waxaanu sii wadaynaa hawshaas.”

Lord Maayarka magaalada Sheffield ee dalka UK, Marwo Safiya Siciid Berberaawi, waxa kale oo ay soo jeedisay in haweenka JSL la siiyo fursado siyaasadeed oo ay ku matalaan shacabka, iyada si cad u sheegtay baahida loo qabo in haweenka Somaliland, lagu dhiirrigeliyo doorashada iyo hoggaanka siyaasadeed, iyadoo ugu baaqday beelaha iyo bulshada in ay garab istaagaan dumarka si ay u helaan fursado mataleed oo dhab ah. Waxaanay tithi “Reeraha waa in ay soo sharaxaan haweenka. Cadaalad ayaa loo baahan yahay. Waa in la garab istaago dumarka si ay uga qayb galaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.”