Natiijada Kibirka iyo Isla-weynida!

0
93

Waxay istaagtay ninkeeda dhiniciisa iyadoo faraxsan, xaaladooda nololeed ayaa noqotay heer   sare  ka dib saboolnimo muddo badan ku soo jireen. Waxay kaydsadeen hanti badan, mar kasta oo uu guriga ku soo noqdo isagoo faraxsan wuxu caado u lahaa inuu yidhaa: “ Nin kasta oo weyn gabadh ayaa ka danbaysa”, si uu gabadhiisa ugu raali geliyo halgankii ay nolosha kala soo gashay.

Markasta oo guul gaadho haddana mid kale ayuu uga sii gudbaa ilaa uu gaadhay heer aad u sareeya oo aanu saboolnimo danbe ka fikirayn.

Laakiin wakhtigan wuxu bilaabay inuu badiyo faanka iyo inuu ku dheedheelo masaakiinta iyo dadka baahan, gabadhiisa ayaa u muujisay sida ay uga xun tahay dhaqankiisa cusub ee aan naxariista lahayn kibirkuna ka muuqdo.
Markii uu arkay inay ka xun tahay ficiladiisa wuxu bilaabay inuu u cadhoodo iyadana, waana uu u adkaysan waayay weedhaheeda runta ah, xidhiidhkooduna wuu xumaaday. Dadkii qaraabada iyo  jaarku waxay ogaadeen inuu isaga yahay kan khaladka samanayaa, laakiin marka kasta kibirkiisu wuu sii badanayay.

Markii ay aragtay in aanu xal  jirin waxa ay arintu noqotay inay lamaanihii sidaasi ku kala tagaan. Xusuusta wakhtiga adag marka ay dad badani ka baxaan waxay ku bedelaan kibir iyo isla weyn, taasi oo inta badan ku soo celisa halkii uu ka dhaqaaqay waayo hore. Dumarka naxariista ku badan awgood ayay wax kasta si taxdar leh u qiimeeyaan.Halka ragguna marka uu maal ama mansab gaadho uu kibirku kibir iyo isla weyn ka qaado.