Talyaaniga iyo Spain oo Qaza u Diray Maraakiib Daagaal oo Gelbinaya doonyo gargaar

0
105

Dalalka Talyaaniga iyo Spain ayaa shaaciyey in ay badda Mediterranean-ka u direen maraakiib daagaal oo galbiya doonyo gargaar u sida Qasa, tiiyoo Isra’il wacad ku martay in aanay ogolaan doonin in la jabiyo xayiraadda marinaka Qasa.

Tillaabadan ayaa timid ka dib markii in ka badan 50 doomood oo rayid ah, ku waas gargaar bini’aadanimo u sidey Qasa, lagu beegsaday badda Mediterranean-ka. Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga Guido Crosetto, ayaa cambaareeyey weerarka lala beegsaday doomaha gargaarka sida, wuxuuba sheegay in uu amray markab dagaal in lagu daro.

Raysal Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa dhankiisa sheegay in ay Markab dagaal oo aad u qalabeysan ku biirinayaan kolonyada doomaha ah, si looga ilaaliyo weerar kale. Labadan dal ee ku jira Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay tillaabadan u qaadeen si ay u ilaaliyaan bedqabka muwaadiniintooda saaran kolonyada doomaha Global Sumad Flotilla.

Isra’il ayaa horay u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax doomo ah oo gala Qasa, illaa haddase kama hadlin weerarkan ugu dambeeyey ee lagu qaaday kolonyada Global Sumad Flotilla.