Dawladaha Ingiriiska, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa ugu baaqay Iran in aanay kordhin xiisadda, isla markaana ay raacdo waddada wadahadalka, kadib markii cunaqabatayntii Qaramada Midoobay dib loogu soo rogay Sabtidii.
Saddexda dal waxay sheegeen in aanay haysan wax doorasho kale ah oo aan ahayn inay dib u soo celiyaan tallaabooyinka adag ee ka dhanka ah Tehran, “iyagoo u arka inay tahay fursaddii ugu dambeysay” sababo la xidhiidha “sii kordhinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo iskaashi la’aanta Iran.”
“Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay ka waantowdo tallaabo kasta oo xiisadda sii hurinaysa,” ayay ku yidhaahdeen war-saxaafadeed wadajir ah, iyagoo raaciyay: “Dib u soo rogidda cunaqabataynta Qaramada Midoobay maaha dhammaadka diblomaasiyadda.”
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa toddobaadkii hore ku adkaystay in dalkiisu aanay wax ujeeddo ah ka lahayn horumarinta hubka nukliyeerka, isagoo cambaareeyay dib u soo celinta cunaqabataynta caalamiga ah, kuna tilmaamay inay yihiin “kuwa aan cadaalad ahayn, aan sax ahayn, kana soo horjeeda sharciga.”
Qaramada Midoobay ayaa dib u soo rogtay cunaqabataynta dhaqaale iyo mid milatari oo ballaadhan oo lagu soo rogay Iiraan saacaddu markay ahayd 00:00 GMT Sabtidii — toban sano kadib markii laga qaaday heshiis caalami ah oo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Iiraan waxay kordhisay hawlaha nukliyeerka ee mamnuuca ah ka dib markii Maraykanku ka baxay heshiiska 2016-kii. Donald Trump ayaa Maraykanka ka saaray heshiiska intii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore, isagoo dhaleeceeyay heshiiska — oo loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ee Waxqabadka Guud (JCPOA) — oo laga wada xaajooday xilligii madaxweynihii hore Barack Obama, isagoo ku tilmaamay mid leh cilado.






















