Hargeysa (Dawan)- Lord Mayor Safiya Siciid, oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland, ayaa sannadkan 2025 taariikh cusub ka dhigtay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, kadib markii loo doortay xilka sare ee Lord Mayor-nimada. Doorashadeeda waxay ka dhigtay haweenaydii ugu horreysay ee Muslimad ah ee qabata jagadan sare ee magaaladaas, taas oo si weyn u muujisay isbeddelka bulshada, kalsoonida deegaanka, iyo koboca doorka haweenka iyo dadka madaw.
Doorashada Safiya Siciid ayaa noqotay calaamad guul ah oo ay si weyn ugu faani karaan bulshada reer Somaliland, guud ahaan qurbo-joogta iyo dadka laga tirade badan yahay, iyo dadka Afrikaanka ah ee ku sugan UK. Waa tusaale cad oo muujinaya sida dad asal ahaan ka soo jeeda dalal kale ay u gaadhi karaan jagooyin sare marka ay heystaan himilo, karti iyo hami sare oo wanaagsan.
Wargeyska Dawan ayaa waraysi gaar ah la yeeshay Lord Mayor Safiya oo maalmihii u dambeeyay booqasho rasmi ah ku joogtay Somaliland. Waxay si weyn ugu mahad celisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwada Koowaad ee qaranka, Wasiirka Arrimaha Dibedda, iyo dhammaan madaxda hay’adaha qaranka ee ay la kulantay. Waxay sheegtay in si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalkii hooyo, taas oo ay ku tilmaantay sharaf iyo xasuus gaar ah oo nolosheeda muhiim ka ah.
Safiya waxay xustay in magaalada Sheffield ay xidhiidh siyaasadeed oo qoto dheer la leedahay Somaliland, iyada oo ahayd magaaladii ugu horraysay ee UK ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland, sannadkii 2014. Maanta, Safiya waxay haysaa fursad ay ku sii xoojin karto xidhiidhkaas, maadaama ay tahay Lord Mayor-ka rasmiga ah ee magaaladaas.
Waxay intaas ku dartay in aqoonsiga Somaliland uu ka mid yahay ajandayaasheeda siyaasadeed, isla markaana ay ku dadaalayso sidii ay u kor ugu qaadi lahayd wacyiga caalamka ee la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland.
Safiya intii ay ku sugnayd Somaliland waxay booqatay magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, iyo Boorama. Magaalada Boorama ayay ku tilmaantay “magaalo aad u qurux badan oo cagaaran, isla markaana dib u xasuusiyay goobihii quruxda badnaa ee lagu arki jiray filimaanta HIndiga ah.” Waxay si gaar ah ula dhacday dhalinyarada firfircoon ee ka muuqda maamulka dawliga ah ee magaalooyinkaas, taas oo ay ku sheegtay tusaale muujinaya rajada iyo kartida dhalinyarada Somaliland.
Safiya Siciid waxay astaan u tahay himilo, isbeddel, iyo horumar siyaasadeed. Waxay si firfircoon diiradda u saartay hirgelinta ajandayaasheeda siyaasadeed, iyadoo mudnaan gaar ah siineysa qaddiyadda aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland. Waxay sidoo kale rumeysan tahay in Somaliland ay yeelan karto mustaqbal ifaya oo ku saleysan aqoonsi buuxa, horumar waara, iyo door muuqda oo caalami ah.
Haddaba, Wargeyska Dawan oo fursad u helay in uu waraysi qoto dheer la yeesho Lord Mayor Safiya Siciid intii ay ku sugnayd Somaliland, ayaa halkan idiinku soo gudbinaya taariikh nololeedkeeda, safarkeedii waxbarasho, siyaasadeed, iyo doorkeeda bulshada, si aad u barato Safiya Siciid, waana sidan taariikhdeeda oo aanu soo koobnay:-
Waa Tuma Safiya Lord Mayor Siciid?
Safiya waxay ku dhalatay magaalada Abu Dhabi, waxayna waxbarashadeedii hoose ka bilowday dugsiga Khadiija Al-Kubra, iyadoo markaasna ahayd ardaydii ugu sarreysay fasalkeeda. Waxay sii wadatay waxbarashada dugsiga dhexe ee Muata iyo dugsiga sare ee Al-Qudus. In kasta oo ay ku dhalatay Imaaraadka, haddana asal ahaan waxa ay ka soo jeeddaa Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco.
Soo-galidii UK iyo Noloshii Hore ee Sheffield
Sanadkii 1985-kii, Safiya iyo qoyskeedu waxay u guureen magaalada Sheffield, UK, halkaas oo ay hooyadeed ku lahayd macaariif, sidaan ay ku dageen magaalada Sheffield. Safiya waxay sheegtay in bilowgii ay noloshu fududayn, dhibaatada ugu badan ee jirtayna ay ahayd luuqada maadaama aanay helin wax turjumaan ah. “Waxaanu degannayn guri Hostle ah, markii ugu horraysay ee aanu baraf aragno ayay ahayd, waxaanu galnay machada luuqada ah waxa aan dadaal badan saaray waxbarashada iyo in aan meel fiican ka gaadho” ayay tidhi.
Dariiqa Siyaasadeed iyo Taageerada Qoyska
Safiya waxay si firfircoon uga qayb gashay siyaasadda deegaanka. Qoyskeedu waxa ay si buuxda u taageereen dedaalladeeda, taasoo sahashay in ay gaadho xilka Mayornimo. Waxay si gaar ah diiradda u saartay kor u qaadista adeegyada bulshada iyo metelaadda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Dareenka Muuqaalkii Cadan ee
Muuqaal laga duubay xafladdii mayornimada oo ay kaga hadashay xasuusta Cadan ayaa si weyn u faafay. Safiya waxay sheegtay in Cadan ay tahay magaalo muhiim ah maadaama aabaheed iyo hooyadeed ay halkaas ku dhasheen kuna barbaaren, isla markaana ay uga sheekayn jireen waayahoodii hore ee Cadan gaar ahaan xaafadaha Tawaahi iyo Mualla. “Runtii waxa uu ahaa wariye ka soo jeeda Yemen. Maalintii xafladda mayornimada aan la wareegay ayuu waraysi ila yeeshay, waxaanan u sheegay in inaan Cadan xasuus fiican ka hayo, maadaama aabahey iyo hooyaday ay ku dhasheen, kuna barbaareen halkaas. Had iyo jeerna waxay ka sheekayn jireen Cadan iyo xaafadaha Tawaahi iyo Mualla, oo ah xaafadaha ku yaalla Cadan,” ayay tidhi Lord Mayar Safiya Siciid.
Farriin ku Socota Somaliland iyo Qurbo-Joogta
Safiya waxay si gaar ah ugu baaqday xukuumadda Somaliland in ay haweenka la siiyo door muuqda oo ka ballaadhan kan hadda jira. Sidoo kale, waxay ku boorrisay qurbo-joogta in ay door ka qaataan horumarka dalka, caruurtana lagu barbaariyo jacaylka dalkooda iyo diintooda.
Afka Hooyo iyo Kaftan Laab-dhig ah
Markii la weydiiyay sida ay ugu hadasho Af-Soomaaliga, Safiya iyadoo qosleysa ayay tidhi: “Hadalkaygu waa isku-dar carabi, Somali iyo Ingiriis… waxaad mooddaa Qaramada Midoobay!”






















