Somaliand oo Talaalaysa 900,000 oo Carruur ah

0
96

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland waxay u tahay maalin kale oo lagu xasuusan doono tallaabo horumarineed oo dhanka caafimaadka ah, iyadoo si rasmi ah looga daahfuray dalka oo dhan ololaha talaalka cudurka dabaysha. Ololahan oo socon doona muddo shan maalmood ah (28-ka Sebtember ilaa 2-da Oktoobar 2025), waxa lagu wadaa in lagu gaadho ku dhawaad 900,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sanno, taas oo ah tiro muujinaysa ballaadhka iyo baaxadda dedaalkan caafimaad ee heer qaran.

Tallaalkan ayaa ka tarjumaya sida ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga go’an tahay ilaalinta caafimaadka jiilka mustaqbalka, iyadoo ay taageero buuxda ka helayso hay’adaha caalamiga ah sida WHO iyo UNICEF. Goob-joogista hay’adahan iyo masuuliyiinta qaranku waxay muujinaysaa iskaashi midho-dhal ah oo udub dhexaad u ah horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.

Ololaha talaalka dabayshu maaha oo keliya hawl caafimaad, balse waa maalgashi lagu samaynayo mustaqbalka dalka. “Carruur caafimaad qabta waxay dhisaan bulsho horumarsan, waxbarata, waxna soo saarta. Tani waa mas’uuliyad qaran oo aan cid gaar ah loo xilsaarin, balse ay tahay in la wadaago laga bilaabo dawladda, waalidiinta, hay’adaha, ilaa bulshada inteeda kale.

Dabayshu waa cudur la tir-tiri karo, laakiin kaliya haddii laga hortago si joogto ah. Sidaas darteed, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan waalidiinta, masuuliyiinta degmooyinka, iyo bulshada rayidka ah inay si buuxda u taageeraan ololahan. Waa in la talaalo carruurta maanta, isla markaana waa in la badbaadiyo ubadkeenna berri.

Ugu dambayn, waxaa lagu amaani karaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adaha la-hawlgalaya dedaallada joogtada ah, hufnaanta, iyo u heellanaanta ay u leeyihiin ilaalinta caafimaadka bulshada Somaliland gaar ahaan carruurta oo ah kuwa ugu nugul: “Carruur caafimaad qabta, waa qaranka oo caafimaad qaba.”