Wasiirka Deegaanka oo kormeeray Seerayaasha Togdheer si loo Xoojiyo Daryeelka Deegaanka

0
161

Barnaamijka Deegaan-jire todobaadkan Qormada koowaad waxa aynu ku eegaynaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Cismaan Geeljire oo dib-u-eegis ku sameeyay Seerayaasha gobolka Togdheer iyo doorka ilaalinta deegaanka ee gobolkaasi.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Cismaan Geeljire, ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Togdheer, halkaas oo uu si qoto dheer u kormeeray seerayaasha dawladdu leedahay ee Ban-cawl, Qoyta, iyo Godorka.

Kormeerkan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu eegayay xaaladda guud ee seerayaashan, iyadoo la baadhayay doorka ay bulshada deegaanka iyo guud ahaan dalka kaga jiraan ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

Safarkan waxaa wasiirka wehelinayay guddoomiyaha gobolka Togdheer, isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo wasaaradba ka socday.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray si faahfaahsan u falanqeeyay xaaladda seerayaasha, isagoo si gaar ah u iftiimiyay faa’iidooyinka ay seerayaashani u leeyihiin bulshada deegaanka iyo dalka oo dhan.

Wasiir Cabdilaahi Geeljire ayaa si weyn u bogaadiyay dadka deegaanka ee seerayaashan ku nool, isagoo ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay u ilaashadeen dhulkooda, isla markaana aysan u oggolaan in la boobbo ama lagu qaato si aan habboonayn. Wasiirku wuxuu qiray in seerayaashan ay door muhiim ah ka ciyaaraan badbaadinta dadka iyo deegaanka labadaba.

“Dadka deegaanka ee seerayaashooda si wanaagsan u ilaaliya, dhulkoodii aan boobayn oo ay si hufan u daryeelaan, waan u mahadcelinayaa.

Marka laga hadlayo shaqooyinka ilaalinta sida beerista dhirta, ciidda qabashada, ama abuurista biyo kaydinta, waxaan sii wadi doonnaa dadaalladaas muhiimka ah,” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu intaa ku daray in wasaaradda iyo dawladda ay diyaar u yihiin inay soo dhaweyaan dhammaan qaybaha bulshada ee danaynaya in ay ka qeyb qaataan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka, isla markaana dalku u baahan yahay in dadka deegaanka iyo guud ahaan bulshada la wada kaashado hawsha ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Waxaanu yidhi.”Dhulka waxaan u haysannaa inaan u kaydsanno sidii dadku uga faa’iideysan lahaayeen, sidoo kalena aan ka hortagno cid kasta oo doonaysa in ay si sharci darro ah u isticmaasho ama u boobto.

Waxaan si cad u aaminsanahay in ilaalinta dhulka ay tahay masuuliyad wadajir ah oo bulshada iyo dawladda ay wadaagaan,”

Sidoo kale, wasiirka ayaa caddeeyay in siyaasadda xukuumadda aanay ku jirin wax ku saabsan kaliya ballan qaadyo aan muuqan, balse ay tahay in la dhiirrigeliyo bulshada, la taageero, lana siiyo fursado dhab ah oo waxqabad leh.

“Siyaasadda xukuumaddeenu waa mid ku dhisan in dadka la hunguriyo, lana caddeeyo waxa loo qabanayo, ma ahan in la yidhaa ‘wax baanu idiin qabannay’ oo aan wax muuqda jirin. Waxaan ku hawlanahay sidii aan u maalgelin lahayn deegaanka, u dhiirrigelin lahayn, ugana faa’iidaysan lahayn horumarka,” ayuu raaciyay.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan hay’adaha iyo bulshada ku hawlan ilaalinta deegaanka, isagoo xusay in tusaalaha wanaagsan ee gobolka Togdheer uu noqdo mid ay gobollada kale iyo deegaanada kale ka daydaan, ayna tahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo deegaanka iyo ka hortagga isbeddelka cimilada.