Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in daafaceeda reer France, William Saliba, uu saxeexay heshiis cusub oo dheer oo uu ku sii joogayo Emirates Stadium ilaa sanadka 2030.
Bayaanka rasmiga ah ee kooxda ayaa lagu yidhi:
“William Saliba wuxuu saxeexay heshiis cusub oo waqti dheer ah. Daafaca 24 jirka ah wuxuu nagu soo biiray bishii July 2019 wuxuuna ilaa hadda u saftay kooxda 140 kulan tartamada oo dhan, isagoo noqday tiir dhexe oo muhiim u ah difaaceena. Heshiiska cusub ee William waxa uu sugayaa dhamaystirka nidaamka sharciyada.”
Saliba ayaa ka mid noqday difaacyada ugu sarreeya Premier League, waxaana lagu ammaanay xasilloonidiisa iyo hoggaaminta safka dambe ee Gunners. Heshiiskan cusub ayaa muujinaya sida ay Arsenal u rabto in ay mustaqbalka difaaca ku dhisto isaga.

























