Farqiga U Dhexeeya Caqliga Iyo Cilmiga! Garaadka Iyo Aqoonta!

0
67

Richard Feynman (1918–1988) wuxuu ahaa fisigisyahan Maraykan ah oo caan ku ah kartidiisa cilmiyeed, hab-fikirkiisa gaar ah, iyo awoodda uu u lahaa inuu si fudud ku sharraxo arrimo aad u adag. Wuxuu ka mid ahaa saynisyahannadii ugu saameynta badnaa qarnigii 20aad.

Richard waxa uu ku guulaystay abaalmarinta “Nobel Prize in Physics” sandkii 1965. Faynman isagoo qeexaya kala duwanaanshaha u dhexeeya aqoonta iyo garaadka ama caqliga qofka waxa uu yidhi:

“Waligaa ha isku khaldin waxbarashada iyo garaadka. Waxaad qaadan kartaa shahaadada doctorate (PhD) ee ugu saraysa, adigoo weli doqon ah.”
Feynman wuxuu si kooban u muujinayaa fikraddan isagoo xaqiijinaya in shahaadooyinka aan micnaheedu ahayn in garaadka ay xukumayaan, iyo inay abuuraan maskax feejigan.  Waxaana uu yidihi isagoo sii cadaynaya arintaasi :” Waxbarashadu waxay ina siisaa agab, waxayna inagu hubaysaa aqoon.”

“Laakiin garaadku wuxuu muujiya  habka loo adeegsado iyo sida wanaagsan ee loo isticmaalo arrimaha muhiimka ah iyo helidda fikirka saxda ah, ma aha ururinta derjejada shahaadooyinka iyo in la isugu faano.