Xeebaha Berbera iyo Saylac: il-dhaqaale iyo Khayraad Kalluun oo Qarsoon.

0
162

Diyaariye cadnan bile jamac

Barnamijka khayraadka Badda iyo kalluumaysiga waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo maalinkasta oo Arbaco ha ka soo baxa Wargasyaka Dawan islamarkaana aynu ku soo qaadano macluumaad kala duwan oo ku saabsan noonacyada, faa’iidada, iyo istcimaalka Kalluunka sidoo kale waxaynu soo gudbinaa sida cunista kalluunku uga qayb qaadato Caafimaadka

Barnaamijkeena maanta waxa aynu ku lafa-guri doonaa Noocyada kala duwan ee Kaluunka, waxa aynu marba dhinac ka eegi doonaa Noocyada kala duwan ee kaluunka ka soo baxa bada heena, waxa kale oo aynu kus ooq aadan doonaa noocyada ugu badan ee laga helo badaheena inagoo sigaara u soo qaadan doona kalluumaysatada  labada magaalo Xeebeed ee Berbera.

Labada magaalo ee Berbera iyo Saylac ayaa ah meelaha ugu badan ee laga soo dajiyo kaluunka wallow magaalada Berbera ay tahay tan ugu wayn ee marka aad Somaliland aad joogto uu ka soo dego kalluunka ugu badan ee laga soo saaro xeebaha dalka kaasi oo loo kala iibgeeyo gobolada kale ee Somaliland, sidoo kale waxa magaalada Berbera ku yaal suuqa iyo Dekada ugu wayn ee Kalluunka.

Axmed Maxamed waxa uu ka mid yahay kalluumaystada ka ganacsada Kalluunka ee ku iibiya suuqa Kalluunka ee magaalada Berbera, waxanu ka waramayaa noocyada kala duwan ee Kalluunka, Kalluunka intabadan la helo iyo Kallunka wakhtiyad qaar ayba adag tahay helidiisu.

Axmed oo sharaxaya arimahaasi ayaa waxa uu sheegay” Kaluunku marka hore waxa uu u kala baxaa laba waxana lakala yidhaah Toor iyo waxa la yidhaa Kalluun-cad, qaar kale oo farabadanina waa ay jiraan sida Aar-goosatada, Qoqobka, Shilibiska oo ah qaybo gooni ah” Kalluunka cad ayaa inta badan la sheegaa inuu yahay Kalluunka ugu macaan marka laga hadlayo cunista Kalluunka.

Waxa jira kaluun iskaga gudba badaha dunida halka ay jiraan qaar aan deegaankooda ka dhaqaaqain mar kale Oday Axemd oo ka naganansada kalluunka ayaa inoo sharaxaya waxanu yidhi ”Kaluun waa Kalluunka madow ee dusha Badda carara kaasi inta badan waxa uu inagu dhaafaa Socdaal mana aha mid joogsada deegaankeena, waxa uu u kala gooshaa Mediterranean iyo Hindian Ocean ka waana mid xawaare aad u sareeya jara, halka mid ka kale yahay deegaan inta badana si fudud looga heli karo Xeebaha Somaliland waxana uu lee yahay meelo loogu hagaago oo loo yaqaan Qalcado”.

Magaalada Saylac, isnkastoo aanay lahayn Dekad si casriya loo sameeeyey oo ay ku soo xidhaan kalluumaystada kalluunka Badda ka soo jilaabta hadana waxay ka mid tahay magaala xeebeedyada kuyaal dalkan Somaliland, waana magaalo dad badan oo ku nooli ay noloshoodu ku tiirsan tahay ka ganacsiga kalluunka, waxana jirta Deked yar oo ay ku soo xidhaadhaan laashashka Kalluunku.

Shirkada lagu magaacaabo Sacaadadiin waa mid ka mid ah shirkadaha Kalluunka ee ku yaal magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal, Muxumed Candiraxmaan oo ah maamulaha shirkada Sacaadadiin ayaa ka waramaya noocyada ugu badan ee Kalluunka ay kaganacsadaan, Deerad, Carabi,Bayaad iyo gaxash waa kaluumada ugu badan ee shirkada Kaluunka Sacaadadiin Badda Kasoo Jilaabatay si loo suuqeeyo isla markaana dadlka intiisa kale loo geeyo.

Carabi, sida uu Muxumed sheegayo waa ka luunka uu dhiiran ee marka uu maqlo shanqadha doonta ama uu ogaado in Meesha ay soo gashay cidii Badda dibada uga saari lahayd waxa uu isku dayaa sidii uu u baxsan lahaa si aanu u noqon kan Cunto laga dhigan doono, dhanka Kalena waxa uu ka mid yahay kalluunka kuwoodo ugu macaan hadaanu ahayn ba kan ugu macaan marka laga hadlayo cunista Kalluunka, halka kalluunka loo yaqaan Deerag uu yahay Kalluun marka laga yimaad lafta dhabar aan lahayn wax laf ah oo kale, sidoo Kalena waa kalluun dadka intooda badani ay aad u jecel yihiin.

”Carabi, waa kalluunka ugu dhiiran ee marka uu shanqadhaada maqlo siiyaaca, waa ka ugu feejigan, waana ugu macaan yahay, Xinfi waa kalluunka dhiiga badan leh, waa kalluun inta badan la siiyo dadka Jooniskal eh mana ah kulluun dufan badan leh”ayuu yidhi Muxumed maamulaha shirkada Kalluunka ee Saacadadiin.

Talaagada barafka kaydiya waa halka kaliya ee lagu hayn karo Kalluunka ka hor inta aan la iibsan, Talaagaduna maaha mid wax yar ka maar mid karta oo waa waxa ay kalluunka ku qaboojinayso si aanu u xumaan mudada uu yaal meherada, balse magaalada Sayla coo ah magaalo xeebeed aad u kulul gaar ahaan wakhtiyada xagaagii caqabada ugu wayn ee dadka kaluunka ka ganacsada haysata ayaa ah helitaanka Barafka iyo qiimaha aadka u sareeya Laydhka.

Xaaji Siciid Xaddi waa mid ka mid ah kalluumaysatayda reer Saylac ee Badda ka soo jilaabta kalluunka, kaasi marka uu badda gudaheeda ka soo dabto dib ugu sii iibiya kalluunka magaalada Saylac, Xaaji Siciid waxa uu ka waramayaa caqabadaha ugu wayn ee haysta ganacsatda kalluunka ee magaalada Saylac waxanu yidhi:

”majirto xaga badda wax horumar ah oo aanu ka haynaa, meeshii barafku waa ay naga xidhan tahay, waxa jirta baraf la,aan tusaale haddii maanta kalluun soo helo ma jiraan barafkii uu kaluunka ku iibin lahaa, waa inaad Telesom ta ka kiraysato Laydh, Laydhka Telesom na waa qaali, qofka iibinaya kalluunku iskama bixin karayo maalin walba, waxan u baanahay in la sameeyo meeshii Barafka, dadka soo jilaabta Kalluunku waxay baahan yihiin in laga caawiyo shabagaanta iyo qalabka Kalluunka.

 

 

 

Gabogabada

Barnaamijka Khayraadka Kalluunka waxaynu ku lafagurayna muhiimadda uu kalluunka u leeyahay bulshada Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka xeebaha ku yaal ee Berbera iyo Saylac. Magaalooyinkan oo ah meelaha ugu waaweyn ee kalluunka laga soo saaro, waxa ay bulshada si wayn u isticmaalaan ka ganacsiga iyo cunista kalluunka.

Berbera, oo leh dekedda ugu weyn iyo suuqa ugu ballaadhan, ayaa ah xarunta ugu weyn ee kalluunka dalka laga suuqeeyo, halka Saylacna ay muhiimad gaar ah leedahay in kasta oo ay la tacaalayso caqabado dhinaca qaboojinta iyo kaydinta ah. Kalluumaysatada iyo shirkadaha ganacsiga kalluunka ee ka hawlgala labada magaalo ayaa soo bandhigay noocyo badan oo kalluun ah sida Toor, Kalluun-cad, Aar-goosatada, Carabi, Deerad, Bayaad, Gaxash, Qoqob, Shilibis iyo Xinfi, kuwaas oo mid walba leeyahay dhadhan iyo qiime u gaar ah.

Doodaha kalluumaysatada iyo ganacsatada ayaa muujinaya laba dhinac oo is barbar socda:

  1. Faa’iidada iyo noocyada hodanka ah ee kalluunka xeebaha Somaliland – taas oo ka dhigaysa in dalkeennu leeyahay khayraad dabiici ah oo badan oo lagu tiirsan karo.
  2. Caqabadaha jira – gaar ahaan kuwa la xidhiidha qaboojinta, kaydinta, iyo qiimaha sarreeya ee laydhka, kuwaas oo saameeya suuqgeynta iyo tayada kalluunka.

Waxa kale oo la xusay in kalluunka qaarkood sida Carabi uu caan ku yahay feejignaanta iyo macaanida, halka Deeradka uu ku yaqaanno lafta yar iyo fudaydka cunistiisa, taas oo ka dhigaysa noocyo si gaar ah loogu jecel yahay bulshada.

kalluunka Somaliland wuxuu leeyahay awood weyn oo lagu horumarin karo dhaqaalaha, caafimaadka bulshada, iyo fursadaha shaqo-abuurka. Si kastaba ha ahaatee, horumar la taaban karo waxa uu ku xidhnaan doonaa taageerada ka imanaysa dhinacyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dhanka qaboojinta, barafka, shabagga iyo qalabka casriga ah ee kalluumaysiga. Haddii caqabadahaas la xalliyo, Somaliland waxay yeelan kartaa suuq kalluun oo heer qaran iyo caalami ah.