Real Madrid oo Bartilmaameed Saneysa Suuqa Jiilaalka Xiddig Khadka Dhexe Man United U Ciyaara

0
82

Wargeyska Ingiriiska ah ee Daily Mail ayaa shaaciyay in Real Madrid ay ku darsatay liiska bartilmaameed yadeeda suuqa jiilaalka, khadka dhexe ee Manchester United, Kobbie Mainoo.

Sida laga soo xigtay wargeyska, kooxda boqortooyada ah ayaa si dhab ah u baaraysa suuragalnimada ay ku qaadan karto ciyaaryahanka da’da yar heshiis amaah ah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Mainoo ayaa hore u codsaday inuu ka tago United intii lagu jiray suuqa xagaagii la soo dhaafay, balse kooxdiisa ayaa si cad u diiday, taasoo muujisay sida ay ugu adkaysanayaan inuu sii joogo.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in Manchester United ay qiimeyso dadaalka iyo akhlaaqda ciyaaryahanka ee tababarka, isla markaana ay aaminsan tahay inuu mudan yahay fursado badan oo uu garoonka kaga soo muuqdo – balse tababare Ruben Amorim weli ma aannu siin wax fursad ah.