Barnaamijka Dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan qormada koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa, wefti Somaliland ah oo uu hogaaminayo maayerka Boorama oo ka qayb galay shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Uganda, kaas oo lagaga hadlayay xoojinta xidhiidhka magaalooyinka ay saamaynta ku yeesheen barakacu.
Maayarka magaalada Boorama oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo isugu jiray saraakiil ka kala socday magaalooyinka Boorama iyo Gebilay, wakiil ka tirsan wasaaradda Dib u Dejinta, xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyo Hay’adda Taakulo, ayaa ka qaybgalay shirka labaad ee Isdhexgalka Magaalooyinka ee Bulshooyinka Barakacayaasha (SUIDAC) oo lagu qabtay magaalada Arua ee dalka Uganda..
Shirkaas oo ah kii labaad ee lagu qabto mashruuca SUIDAC, wuxuu diiradda saaray xoojinta xidhiidhka magaalooyinka ay saamaynta ku yeesheen barakaca, sidii loo wadaagi lahaa khibradaha maamul, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshooyinka barakacayaasha ah. Waxa kale oo shirku fursad u ahaa wadashaqeyn dhow oo u dhexeysa dawladaha hoose ee magaalooyinka ka qaybqaadanaya mashruuca.
Mashruuca SUIDAC oo uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU), waxa laga hirgelin doonaa sagaal magaalo oo ku kala yaalla toddoba waddan oo Afrika ah. Magaalooyinkaas ayaa kala ah:
- Somaliland: Boorama & Gebilay
- Ethiopia: Jigjiga & Assosa
- Uganda: Arua & Koboko
- DRC: Tshikapa & Kananga
- Sudan: Atbara
Shirkaas Arua waxa uu daba socday shirkii koowaad oo lagu qabtay magaalada Jigjiga, Itoobiya, bishii Febraayo 2025,
waxaa shirkan kasoo qaybgalay in ka badan 115 ergo oo isugu jira, masuuliyiin sarsare oo ka socday 7 dal (Uganda, Itoobiya, Kenya, Sudan, Koonfur Sudan, DRC iyo Somaliland), wakiillo ka kala socday hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Yurub (EU), IGAD, IOM, Qaramada Midoobay (UN), iyo Xafiiska Raysal-wasaaraha Uganda.
Maayarka Boorama, oo madasha ka hadlay, ayaa si cad u muujiyey muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka Boorama iyo Gebilay ee mashruucaas. Wuxuu xusay in labadan magaalo ay yihiin kuwa ugu korodhka badan Somaliland, isla markaana ay la tacaalayaan saameynta barakaca iyo korodhka baaxadda leh ee dadweynaha. Wuxuu yidhi:
“Magaalooyinka Boorama iyo Gebilay waxay labanlaabmeen ugu yaraan afar jeer 20-kii sano ee u dambeeyey, taasoo sababtay in bulshooyin badan oo kasoo barakacay baadiyaha ay u hayaamaan magaalooyinka si ay nolol iyo adeegyo u helaan.”
Maayarka ayaa intaas ku daray in Somaliland diyaar u tahay in ay si buuxda uga faa’iidaysato mashruuca SUIDAC iyo khibradaha ay la wadaagayaan magaalooyinka kale ee Afrika ee ka qaybqaadanaya mashruuca.
Maayarku waxa uu shirka ku soo gunaanaday baaq iyo casuumaad rasmi ah oo uu u jeediyey dhammaan ka qaybgalayaasha, isagoo ku dhawaaqay:
“Waxaan rejayneynaa in shirka saddexaad ee mashruucan lagu qabto magaalada Boorama ee Somaliland, halkaasoo aan si diiran ugu soo dhaweyn doono dhammaan ka qaybgalayaasha.”
Ka qaybgalka Boorama iyo Gebilay ee mashruuca SUIDAC waxa uu muujinayaa doorka sii kordhaya ee magaalooyinka Somaliland ay ku leeyihiin iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka dhibaatooyinka barakaca iyo isbeddelka degdegga ah ee magaalooyinka. Waxaa la filayaa in shirarka mustaqbalka ay fursad u noqdaan in xalal waara laga gaadho caqabadaha wadajirka ah ee magaalooyinku ay wajahaan.






















