ikmadaha Maanta

0
77
  • Biyuhu wax kasta way maydhaan, Hadalka xun mooye.
  • Xusuusnow in akhlaaqdaadu ay ka muhiimsan tahay quruxdaada.
  • Xaaladaha adagi waxay dhisaan dad xooggan.
  • Khaladkaagu wuxu ku barayaa xikmad, xanuunkaaguna wuxuu ku baraa sidaad u xoogaysan lahayd.
  • Quruxdu waxay ku jirtaa wax walba, laakiin waa inaad barataa sida loo helo.
  • Waayuhu Saaxiibo badan ayu ka kaxaynayaa, laakiin xusuusnow in noloshu ay weli sii socoto.
  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid  sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna go’aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.

 

  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaa  joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh
  • Haddii aad mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.