Sababta Dayrka Weyn Loo Dhisay!

0
76

Markii Shiinihii waagii hore ee qadiimka ahaa ay doonayeen inay si nabad iyo badbaado leh u noolaadaan, waxay dhiseen gidaarka weyn ee Shiinaha. Waxay aaminsanaayeen in qofna aanu fuuli karin dhererkiisa  xad dhaafka ah awgeed. Laakiin boqolkii sano ee ugu horeyay ka dib dhisidda derbiga dheer, Shiinaha waxa lagu soo duulay saddex jeer!.

Mar kasta, guutooyinkii cadawga duulaanka ah ee Mangoliyanku umay baahan inay dumiyaan ama fuulaan darbiga!.

Waxa keliya ee ay sameeyeen inay si fudud u laaluushaan ciidankii ilaalinayay Albaabada  Dayrka weyn ee laga soo gelayo.  Dhab ahaan, Shiinuhu waxa ay aad isugu hawleen inay dhisaan gidaar adag oo difaac uga noqda duulaanka cadowga, laakiin waxa ay ilaabeen dhisidda niyadda iyo nolosha ilaaliyaha Albaabada gidaarka.  Haddaba waxa cad in Bini’aadamka oo la dhiso ay ka horrayso dhamaan waxa kale. Waana arrimaha muhiimka ee loo baahan yahay in ay noqoto waxa mudnaanta la siinayo.  Kitaabka :  “Qiraa’atu lil-Mustaqbal” Dr. Mustafe Maxamuud. Alle ha u naxariistee