Halyeeygii hore ee Barcelona Xavi Hernandez ayaa faahfaahiyay sababta uu Lamine Yamal ku waayay abaalmarinta Ballon d’Or 2025, taasoo uu ku guuleystay weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele.
Dembele, oo hore uga ciyaari jiray Barcelona, ayaa ka adkaaday saaxiibkiisii hore ee garoonka Camp Nou si uu u qaato kubbadda dahabka ah ee ugu horreysa xirfaddiisa, halka Yamal oo hadda ah xiddiga ugu ifaya ee Barca uu galay kaalinta labaad.
Xavi, oo hore u ahaa ciyaaryahan iyo tababare Barcelona ah, ayaa sheegay in abaalmarinta sannadkan ay si weyn u saameeysay guulaha kooxeed. Wuxuu u sheegay Marca:
“Markan, koobabka kooxeed ayaa miisaan weyn lahaa. Dabcan, aniga ahaan Yamal wuu istaahilahaa. Sidoo kale Vitinha, Mohamed Salah, Pedri, iyo Raphinha dhammaantood way istaahileen. Laakiin ugu dambayn, waxa go’aamiyay abaalmarinta waa koobabka. Lamine wuxuu heli doonaa Ballon d’Or, waan hubaa – marka kooxdiisu ay ku guuleysato Champions League ama Koobka Adduunka.”
Xavi ayaa ahaa macallinkii siiyay Yamal fursaddiisa koowaad ee kooxda weyn ee Barcelona isagoo 15 jir ah, kadib markii ay noqotay xirfadiisu mid aan la joojin Karin.

























