Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay todobaadkan si buuxda u muujisay muhiimadda ay siineyso caafimaadka guud ee bulshada, iyada oo ka qaybqaadatay laba munaasabadood oo xambaarsan farriimo miisaan leh: Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Maanka iyo Shirweynaha 9-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland.
Labadan munaasabad mid waliba waxay xambaarsanayd farriin muhiimad weyn leh, isla markaana tiir u ah nolosha iyo caafimaaka bulshada reer Somaliland, kuwaas oo kala ah caafimaadka maanka oo ah aasaaska jiritaanka bini’aadamka, iyo midawga dhakhaatiirta oo ah difaaca hore ee nolosha bulshada.
Caafimaadka Maanka:
Xuska Maalinta Caafimaadka Maanka ee sanadkan 2025, oo ay si heer sare ah u soo qabanqaabisay waaxda caafimaadka maanka ee Wasaaradda, wuxuu markale muujiyay aragtida wasaaradda caafimaadka Somaliland ee la xidhiidha in caafimaadka maskaxdu uu yahay xaq aasaasi ah oo qof walba oo muwaadnin ahi leeyahay. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, waxay si cad u muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaadhiyo adeegyada caafimaadka maanka, lana jabiyo darbiyada caqabada iyo cabsida ah ee ku gedaaman xaaladaha caafimaadka maskaxda.
Taageerada dadka la nool xanuunnada maskaxda waa waajibaad qaran oo ina wada saaran. Sidaa darteed wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay qaadatay door shariif ah oo ku aadan wacyigelin joogto ah iyo ballaadhinta adeegyo tayo leh oo si siman loogu fidiyo dhammaan gobollada dalka. Fariinta sanadkan ee ah “Qof waliba waa inuu helo caafimaadka maanka” maaha oo keliya hal-ku-dheg, balse waa tilmaam cad oo muujinaysa himilo qaran iyo aragti siyaasadeed oo si xeel dheer loogu wajahayo horumarinta adeegyada caafimaadka maskaxda ee dalka.
Midawga Dhakhaatiirta: Xuddunta Nidaamka Caafimaadka Somaliland
Dhinaca kale, Shirweynaha 9-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland wuxuu ahaa madal kale oo muhiim ah oo lagu gorfaynayay sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka Somaliland. Shirkan waxa uu dhiirrigelin u ahaa midnimo iyo wada-shaqayn dhab ah oo u dhexeysa dhakhaatiirta dalka iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud labaduba waxay si qoto dheer u caddeeyeen muhiimadda iskaashiga joogtada ah iyo tayaynta xirfadaha dhakhaatiirta, taasoo horseedi karta nidaam caafimaad oo casri ah, la jaanqaadi kara baahiyaha shacabka. Ururka Dhakhaatiirta waxa la gudboon in uu noqdo cod mideysan oo metela baahida iyo talooyinka ay bulshadu uga fadhido bahda caafimaadka.
Gunaanad
Labadan munaasabad waxay ka turjumayaan labo tiir oo lagama maarmaan u ah caafimaadka bulshadeenna: caafimaadka maanka iyo tayada dhakhaatiirta. Waxaa lagu gaadhi karaa bulsho caafimaad qabta marka la helo nidaam caafimaad oo ku dhisan aqoon, karti, ixtiraam iyo is-faham.






















