Warbaahinta The Middle East Forum oo sheegtay in taageerada Maraykanku siiyo Muqdisho ay xoojinayso Al-Shabaab oo
ka Faa’iidaysata Musuq-maasuqa Soomaaliya”
Qore Axmed M. Saleebaan
Washington (Dawan)- Machadka Mareykanka ee The American Enterprise Institute ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo leh dawlad muddo ka badan soddon sanno u shaqeynaysa si xor ah oo nabadoon, iyada oo dhisatay nidaam dimuqraadiyadeed oo dhab ah, isla markaana leh doorashooyin xor ah oo awoodda iyo xilalka dalka la isugu wareejiyo nabdoon.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo wax-ku-ool ah, sidoo kalena amniga iyo xasiloonida ka jira Somaliland uu u suuro-gelisay inay noqoto xarun ganacsi oo soo jiidasho leh. Waxa kale oo ay tilmaanay in Somaliland ay si degdeg ah u noqonayso xarunta tiknoolajiyadda ee gobolka Geeska Afrika, halka Soomaaliya ay weli la daalaa dhacayso xasilooni-darro, falal argagixiso, iyo degenaansho la’aan siyaasadeed.
Machadka ayaa sidoo kale xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay xuduudo cad, lacag u gaar ah, baasaboor, ciidamo qaran, iyo siyaasad dibadeed oo madax-bannaan. “Somaliland si weyn ayay uga duwan tahay dowladda taagta daran ee Muqdisho, oo aan xitaa awoodin inay sugto amniga caadiga ah ee caasimadda Muqdisho. Halka Somaliland ay leedahay taariikh amni oo ka wanaagsan dalal badan oo gobolka ka tirsan. Sidoo kale Soomaaliya waxay u jandheedha dhinaca dawladda Shiinaha” ayaa lagu yidhi warbixinta The American Enterprise Institute.
Sidoo kale, Michael Rubin oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika iyo siyaasadda Mareykanka, ayaa Machadka Mareykanka ee The American Enterprise Institute u sheegay in dib-u-eegista siyaasadda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee ku wajahan Somaliland ay tahay fursad muhiim ah oo lagu qaabeyn karo xidhiidhka labada dhinac. Rubin wuxuu u soo jeediyay in Maraykanku xoojiyo xidhiidhkiisa Somaliland si looga fogaado khataraha siyaasadeed iyada oo la ilaalinayo danaha istiraatiijiyadeed Maraykanka.
Michael Rubin ayaa tilmaamay in Somaliland ay gaadhay guulo dimuqraadiyadeed oo muhiim ah isla markaana ay iskaashi dhow la leedahay dalalka reer galbeedka, sidaa darteedna loo baahan yahay in dawladda Maraykanku ay aqoonsato Somaliland, “Mareykanku waa in uu aqoonsadaa Somaliland, sababta oo ah Maraykanku hore ayuu u aqoonsaday dalal gooni isu taagay, kuwaas oo xaqa madax bannaanidoodu aanu xoog badneyn qaddiyadda Somaliland, sida Eritrea iyo Koonfurta Suudaan” ayuu Michael Rubin u sheegay The American Enterprise Institute.
Waxa kale oo uu Michael Rubin soo bandhigay in awoodda iyo kartida ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dedaalada caalamiga ah ee xasiloonida gobolka Geeska Afrika ay tahay tusaale cad oo mudan in lagu taageero, waxaanu yidhi “Awoodda Somaliland ee ay ku maamuli karto, ku horumarin karto, isla markaana ku sugi karto nabadgelyadeeda iyo ta gobolka ba, iyadoo aan gargaar dibadeed helin waa tusaale cad oo mudan in la taageero. Mareykanku waa inuu taageeraa madax bannaanida Somaliland, taas oo noqonaysa aas-aaska xasiloonida gobolka”.
Dhinaca kale, warbaahinta The Middle East Forum Observer oo daabacday warbixin uu qoray Michael Rubin, sheegtay in falanqeeyahani uu ku baaqay in Mareykanku aqoonsado Somaliland, isla markaana uu joojiyo gargaarka iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya, si loo curyaamiyo awoodda Al-Shabaab, oo si taas ah u ay ku ka faa’iidaysata musuqmaasuqa iyo awood darrada dowladda Muqdisho, taas oo ah fursad ay Al-shabaab ku hesho dhaqaale iyo awood.

























