xulka Spain iyo kooxda Barcelona, David Villa, ayaa magacaabay shanta ciyaaryahan ee ugu tayada badan ee abid xirta maaliyadda Blaugrana, isagoo ammaan u jeediyay qaar ka mid ah magacyadii ugu waaweynaa ee taariikhda kubadda cagta.
Isagoo wareysi bixiyay, Villa ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay nambarka koowaad liiskiisa, isagoo ku tilmaamay “ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda” iyo qof si dhab ah u beddelay kubadda cagta muddadii ay isla joogeen Camp Nou.
“Shantayda ciyaaryahan ee ugu sarreeya Barcelona? Messi waa kan koowaad, kadib Andres Iniesta, Xavi, Ronaldinho — oo beddelay kubadda Spain — iyo Luis Enrique, oo ahaa halyey leh ruuxda dagaal iyo geesinimo,” ayuu yidhi Villa.
Weeraryahankii hore ayaa sidoo kale sheegay in ay ahayd “riyo rumoowday” inuu garoonka la wadaago halyeeyo heerkaas gaadhsiisan.

























