Iska Hormaadka Caalamka Ee Dabiiciga Ah Iyo Boqortooyada Shinnida!

0
59

Mid ka mid ah muuqaallada iska horimaadyada dhifta iyo naadirka ah ee dabiiciga ah, ayaa ah in shimbirkan geesiga ah ee Gorgorku uu jabsado kumanaan shinni ah hanti qaali ah oo ay leeyihiin “ rug ay ka buuxaan cunto iyo tamar weyn”. Muuqaalkan cajiibka  ah waxa uu muujinaya geesinimada dhalashada ah, iyo dhaqanka gaarka ah ee shimbirkan oo ah waxaan dhicin maalin kasta. Laakin sidee ayuu ugu adkaystaa shimbirkani qaniinyada shinnida? Sidee ayuuse uga badbaadi karaa weerarka halista sunta ah ee qaniiniyada shinnida?

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in shimbiraha qaarkood, sida shinnida oo kale, ay ku leeyihiin xuub adag meelaha xasaasiga ah, taas oo yaraynaysa saamaynta ay qaniiniyada shinnidu leedahay.  Waxa kale oo taasi barbar socda iyada oo uu adeegsanayo  xawaaraha dheeraynaya iyo baxsadka xirfadiisa isagoo goob sare oo shinida aanay ka gaadhi karin, dhibna ku ah u duulaya.

Muuqaalkan waxa ina tusaya xikmadda Allah(sw)  ee ku jirta abuurkiisa, iyo dheellitirka xoogaga caalamka iyo adduunyada ku dhex nool, iyo sida Kuwana awood u leeyihiin qaarkood daciif u yihiin. Iyadoo taasi jirto haddana wax kasta si sax ah ayay u socdaan. Halganka guusha Noloshu waa qorshe, dadaal iyo fikir xeel dheer si aad u gaadho yoolka adigoo dhibta iyo hadimooyinka ka horeeyana u adkaysnaya.