Xamaas oo Cadaadis ku Saaraysa Israa’iil Sii-deynta Maxaabiista Caan ka ah

0
80

Xamaas ayaa cadaadis xooggan ku saareysa Israa’iil si ay liiska 250 maxbuus Falastiiniyiin ah ee la sii daynayo ugu darto rag caan ah sida Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa’adat, kuwaas oo Falastiiniyiintu u arkaan astaamo halgan. Raggan waxaa lagu xukumay xabsi daa’im kaddib markii lagu helay dambiyo la cifhiifhs weerarro dhimasho sababay.

Wasaaradda caddaaladda Israa’iil ayaa si cad u diiday in ay liiska ku darto, xilli Xamaas ay ku doodayso in raggan muhiim u yihiin horumarinta heshiiska xabad-joojinta. Waxaa la filayaa in 20 la hayste oo Israa’iili ah la sii daayo, iyadoo sidoo kalena lasoo celinayo meydad la haystay. Heshiiska oo uu taageeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka laba sano ka socday Qasa.

Sidoo kale, Xamaas waxay dooneysaa in lasii daayo maxaabiis hore uga mid ahaa heshiiskii Gilad Shalit balse dib loo xidhay. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sii deyn doonta 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1,700 oo reer Qasa ah oo xidhan.

Xabad-joojinta ayaa dhaqan gashay Jimcihii, iyadoo ciidamada Israa’iil qayb ka mid ahi ay ka baxeen Qasa, halkaas oo ku dhowaad 68,000 Falastiiniyiin ah lagu dilay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.

Khilaafka ka taagan sii-deynta ragga caan ka ah wuxuu caqabad ku noqon karaa wadahadalada mustaqbalka. Hase yeeshee, wajiga koowaad ee is-weydaarsiga ayaa u muuqda mid socda, iyadoo isha lagu hayo tallaabooyinka labada dhinac ee arrintan.