Dowladda Taliban ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidan oo Pakistan leedahay kuwaasoo ku yaal buuraleyda xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Kunar-Kurram. Sida uu sheegay afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, weerarkaas ayaa lagu dilay 58 askari oo Pakistani ah halka ay dhaawacmeen ku dhawaad 30 askari oo kale.
Weerarkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa aargoosi kadib markii ciidamada Pakistan ay Khamiistii la soo dhaafay duqeeyeen suuq ku yaal gudaha Afghanistan, gaar ahaan gobolka Paktika. Taliban waxay ku eedeysay Pakistan inay ku xadgudubtay hawada Afghanistan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay Taliban qaaday, isaga oo ku tilmaamay “mid aan laga fiirsan” islamarkaana sababay dhimashada dad rayid ah. Waxa uu intaas ku daray in Pakistan ay diyaar u tahay in ay ka jawaabto weerarka si la mid ah sida ay uga jawaabtay xaalado hore.
Islamabad ayaa sidoo kale mar kale ku eedeysay dowladda Taliban in ay gabaad siiso dagaalyahanada TTP (Taliban-ka Pakistan), kuwaasoo weeraro ka fuliya gudaha Pakistan. Taliban ayaa beenisay arrintaas, waxayna sheegtay in aanay taageerin kooxaha ka dagaalama dhulka dariska ah.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan, Amir Khan Muttaqi, ayaa sheegay in dalkiisa aanu wax dhibaato ah ka qabin shacabka iyo hoggaanka Pakistan, balse uu ku eedeeyay kooxo ku sugan gudaha Pakistan inay wadaan falal qalalaase ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Afghanistan xaq u leedahay inay difaacdo xuduudaheeda.
Iska horimaadka ayaa sababay in la adeegsado hub culus iyo gantaalo, waxaana rasaas la is dhaafsaday dhowr magaalo oo ku yaal xadka labada dal, sida Angoor Adda, Bajaur, Kurram, Dir, Chitral iyo Baramcha. Dad deegaanka ah iyo saraakiil boolis ayaa sheegay in rasaastu ay bilaabatay fiidkii ilaa xilli dambe oo habeenka ah.
Wararka ka imanaya labada dhinac waxay sidoo kale sheegayaan in 9 dagaalyahan oo Taliban ah ay ku dhinteen, halka ilaa 18 kale ay ku dhaawacmeen.
Xiisaddan cusub waxay kusoo beegantay iyadoo safar taariikhi ah uu ku tagay dalka India wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan, Amir Khan Muttaqi, safarkaasi ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen 2021. India waxay shaacisay inay qorsheyneyso dib u furista safaaradeedii Kabul.






















