Sannadkii 1989-kii, dhulgariir cabirkiisu ahaa 8.2 ayaa ka dhacay dalka Armenia, kaasi oo sababay inuu dhulku go’, waxaana ku dhintay dad ka badan 30,000 oo qof, muddo afar daqiiqo oo keliya ah.
Daqiiqadaha cabsida xambaarsan, waaliddiintu waxa ay tegeen goobta dugsiyada si ay uga war helaan xaalladda ubadkood.
Waaldiiinta waxa ka mid ah Aabaha lagu magacaabo Samuel oo wiilkiisu ahaa arday dhiganayay dugsi dumay si uu wiilkiisa ugua war helo.
Markii uu gaadhay dugsiga inkasta oo uu arkay arrin quus ah haddana waxa uu xusuustay odhaahdii uu wiilkiisa ku odhan jiray oo ahayd :” Wax kasta oo dhaca, in uu dhiniciisa noqon doono kaalmo iyo dhiirrigelina siin doono”. Ballanqaadkan ayaa ku kallifay inuu u tago meesha uu wiilkiisa fasalka uu ka mid ahaa ee go’ay ku yaallay, waxaana uu bilaabay inuu meesha ka saaro qashinka iyo dhagxanta isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo wiilkiisa.
Waalidiin kale ee goobta joogay ayaa iyagoo qaylinayay oo u ooyay carruurtooda “ Wiilkaygiiyay, inantaydiiyay.. Ciidanka ayaa u sheegay in aanay baadhidu waxtar lahayn iyo in la isku dayo in badbaadin la sameeyo, sababtoo ah dhammaantood waxay ku dhinteen burburka.
Xitaa kooxda samata bixinta ayaa ka niyad jabay badbaadinta iyo baadhidaba, waxaana ay aabaha kula taliyeen inuu iska dhaafo oo sabro. Laakiin Aabaha Samuel waxa uu ugu jawaabayay “ Adigu ma caawin kartaa oo ma ila qodi kartaa?”..
Laakiin aabihii wuu diiday, waxaana uu go’aansaday inuu maydkiisa soo saaro ama noloshiisa helo. Waxa uu qoditaanka waday 36 saacadood, ilaa gacmaha iyo cagihiisuba barareen, boodh iyo wasakhina dushiisa ka buuxsameen, oo xooggiisuna dhammaaday. Laakiin wuu ku adkaystay, inuu sii wado ilaa inta uu ka gaadhayo helidda nolol iyo geeri wiilkiisa.
Ugu dambayntii, 38 saacadood oo murug, daal iyo silic ka buuxaan ka dib , ayaa aabihii soo qaaday dhagax weyn oo horseed u noqday inuu badbaadiyo wiilkiisa, waxa uu maqlay codkii wiilkiisii waxaana uu ugu yeedhay magaciisa isagoo ku dhowaaqaya: “Armand …. Armand” oo codkiina waxa uu ugu jawaabay waa ikan Aabo..”
Aabaha ayaa farxadda oohinta bilaabay markii wiilkiisu ku yidhi :” Aabo waan ku sugayay waxaan hubay inaad ii iman doonto, maxaa yeelay waxaad ii balan qaaday in wax kasta oo igu dhaca aad dhinacayga noqon doonto”. Waxaana uu goobta ka soo badbaadiyay wiilkiisa iyo 13 caruur oo kale. Fulintu balanku waa muhiim. Marka uu qofku bixiyo awoodda dadaalkiisa isago rajayanaya inuu guulaysto waa dariiqa guusha. Qof kastaan wakhtiga Allah (sw) u qoray ayuu dhintaa. (The Times of India)

























