Israa’iil oo sheegtay in meydadka ay Xamaas Qaarkood kuwoodii ahayn

0
78

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah meydadka Xamaas  ay wareejisay in aanu  ahayn maxaabista Isra’iil”.

Waxay sheegtay in tani ay timid kadib baadhitaano lagu sameeyay afarta lahayste ee la soo celiyay.

“Xamaas waxaa looga baahan yahay inay sameyso dedaal kasta oo ay ku soo celin karto maxaabiista dhintay,” ayuu yidhi milatariga Israa’iil.

Xamaas ayaa si qalad ah u wareejisay qof Falastiini ah oo dhintay is-dhaafsi hore oo dhacay sanadkan.

Meydadka saddexda la aqoonsaday waxay kala yihiin Tamir Nimrodi, Eitan Levy iyo Uriel Baruch.