Marar badan ayaad maqashaa habaarka “ Qaladi samada kaaga soo dhacday”. Laakiin akhriste dalka Brasil bishii feberweri sanadkii 2013 ayaa nin ka tirsan qoysaska saboolka ah oo lagu magacaabo Jao Maria de Souza oo gurigiisa hurda goor habeenimo ah uu samada ka kaga soo dhacay neef Sac aad u xog weyni.
Gurigiisa oo cariisha ayuu dusha uga baxay neefkaasi iyadoo ilaa hadda aan la garan sida uu u koray inkasta oo loo malayanyo inuu ka fuulay xatabado guriga dhiniicsa debedda ku yaalay. Waxaana la sheegay in markii uu dul maryay meel ku began sariirta uu ku hurday ninkani uu Sacan Xoogan uu la soo go’ay saqafku isla markaa uu ku fadhiistay Jao Maria.
Sida lagu daabacay bogga telegraph.co.uk, gabadhiisa ayaan iyada waxyeelo soo gaadhin. Saca ayaa ka soo baxsaday xero xoolaad oo u dhowayd gurigiisa , waxaana uu culayskiisu dhamaa hal ton iyo badh ama 1500 Kg. Qoyskiisa ayaa ku dooday in aan shilkaasi la aqbali karin oo ay tahay in la baadho. Mulkiilaha ayaa lagu qaaday kiiska ah dil aan u kas ahayn.

























