Weeraryahanka amaahda ugu maqan Barcelona, Marcus Rashford, ayaa shaaca ka qaaday in isku dheelitirnaan la’aanta kooxda Manchester United ay si weyn u saameysay xirfaddiisa ciyaareed.
Rashford oo mar loo saadaalinayay inuu noqon doono halyeey cusub oo Old Trafford ah, ayaa hadda wajahaya hoos u dhac weyn oo ku yimid qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu kasoo baxay akadeemiyada kooxda.
Xiddigan reer England ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaaray Aston Villa, halkaas oo uu bandhig macquul ah ka sameeyay, balse bandhiggiisa ma ahayn mid ku filan si uu uga mid noqdo qorshaha tababare Ruben Amorim ee Manchester United. Waxaa markale amaah loogu diray Barcelona, halkaas oo uu hadda ka ciyaarayo, iyadoo bandhiggiisa wanaagsan uu sabab u noqday inuu dib ugu soo laabto xulka England.
Inta badan taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ayaa walaac ka muujiyay joogteyn la’aanta ciyaarihiisa, taas oo uu Rashford isaguna qiray.
Isagoo la hadlay ITV intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, Rashford ayaa yidhi: “Waxaan dareemayaa inaan muddo aad u dheer ku jiray deegganaan la’aan, sidaas darteed way adagtahay inaad noqoto mid joogto ah.
Waxaan aaminsanahay in joogtaynta ay tahay waxa aan u baahanahay inaan helo.
Si aad u noqoto mid joogteyn leh, waa inaad haysataa xaalado joogto ah — noloshaada iyo tababarkaagaba.
Waxaan doonayaa inaan horay u socdo oo aan hagaajiyo arrintaas si aan u gaaro heerkeyga ugu sarreeya.”
Rashford ayaa gacan weyn ka geystay in xulka England noqdo waddanka ugu horreeya ee Yurub ee u soo baxa Koobka Adduunka ee sanadka dambe.

























