Messi Oo Jabiyay Rikoodh Taariikhi Ah Oo Ay Hore U Haysteen Neymar Iyo Landon Donovan

0
80

Messi, ayaa sameeyay laba caawin kulankii ay kooxdiisu 6-0 ku garaacday Puerto Rico, taasoo ka dhigtay inuu gaaro 60 caawin guud ahaan, kana sare maro Neymar (58) iyo Landon Donovan (58), isagoo noqday ciyaaryahanka ugu caawinta badan taariikhda kubadda cagta ee ragga caalamiga ah.

Messi ayaa sidoo kale laba caawin u jira inuu gaaro 400 caawin oo xirfaddiisa ciyaareed guud ahaan ah. Argentina ayaa ku soo gabagabaysay safarkeedii Mareykanka si heer sare ah kadib guushii ay ka gaareen Fort Lauderdale, Florida.

Ciyaarta oo ka dhacday Chase Stadium ayaa ahayd mid Argentina si buuxda u xukuntay, iyadoo Puerto Rico aysan halis badan sababin. Inkastoo Messi uunna wax gool ah dhalin, haddana wuxuu caawiyay labadii gool ee Alexis Mac Allister iyo Lautaro Martínez, kuwaas oo min laba gool dhaliyay. Gonzalo Montiel iyo gool ay iska dhaliyeen Steven Echevarria ayaa dhammaystiray guusha weyn.

Messi, oo loo arko mid ka mid ah weeraryahannada ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta, ayaa markale muujiyay tayadiisa ah inuu yahay hal-abuure cajiib ah, maadaama caawintiisii ugu horreysay ee xulka ay timid 19 sano ka hor intii lagu jiray Koobkii Adduunka 2006, markaas oo Argentina 6-0 ku dubatay Serbia iyo Montenegro.