Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo Dadaal Cusub ku Bixinaysa Horumarinta Shaqaalaha

0
81

Qore: C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay khabiir ku takhasusay tababarrada iyo horumarinta shaqaalaha, Cabdiraxmaan Gaas. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshe lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha wasaaradda.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka, Cali Axmed Cabdi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Axmed Cismaan Jaamac (Tala-same). Mas’uuliyiintan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la dhiso nidaam wasaaradeed oo casri ah oo shaqaaleheedu yihiin kuwo aqoon iyo karti u leh gudashada waajibaadka saaran.

Intii uu kulanku socday, khabiir Cabdiraxmaan Gaas ayaa soo bandhigay hindise tababar oo ka kooban dhowr qaybood, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dhisidda hanaanka iyo nidaamka shaqada, Kor u qaadista waxqabadka shaqaalaha, Horumarinta hoggaaminta iyo maamulka shaqo iyo Maareynta khilaafaadka goobta shaqada.

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo hadalka iska dabaqaatay ayaa xusay sida uu hindisahani u yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo tayada shaqaalaha iyo hagaajinta nidaamka shaqo ee Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa waxa kale oo ay kulanka ku sifeeyeen inay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo horseedi doonta dhismaha shaqaale xirfad leh, hoggaan adag , isla markaana ku qalabaysan shaqo hufan iyo isla-xisaabtan joogto ah, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegga dadweynaha iyo xoolaha ee Wasaaradda Xannannada Xoolaha.