Usaamah bin Sayd binu Xaaris (Rc) oo ahaa addoon nebigu xoreeyey iyo saxaabi uu aad u jeclaa Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: “ Gabadh uu dhalay Nebigu (scw) ayaa u soo cid dirsatay Rasuulka Allah (scw) wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Rasuulku (scw) Wuxuu u diray Inantiisa salaan iyo fariin ah: “Allah isagaa leh wixii uu bixiyo oo deeq ah, isagaana leh wixii uu qaato. Wax walibana muddo go’an bay leeyihiin”. Ee u sheeg inay u sabirto (Qaddarka Alla) rajeysana naxariista iyo abaalkiisa!”.
Mar labaad ayay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaysanaysa (oo ku baryaysa wejiga Allah) inuu u yimaado. Markaas ayuu kacay oo tegay gurigeeda isagoo ay la socdaan Sacad Ibnu Cubaadah (Rc), Mucaad Ibnu Jabal (Rc), Ubaya Ibnu Kacab (Rc), Sayd binu Taabit (Rc) iyo saxaabo kale.
Markii uu gaadhay halkii ay joogeen, ayaa wiilkii yaraa loo dhiibay Nebiga (scw) Waxa uu saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii gurmaysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilka yari, waxay indhahii Nabigu (scw) bilaabeen inay ilmeeyaan. Markaasi ayuu yidhi Sacad (Rc) Nebi Alloow waa maxay waxa kani (ilmada) ? Nabigu (scw) wuxuu ugu jawaabay: “ Waa naxariis Allah geliyey quluubta addoomahiisa” Werin kalena waxay odhanaysaa: Allana wuxuu u naxariista addoomadiisa kuwa naxariista leh.’) (Bukhaari iyo Muslim).

























