Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa shaaciyay in ay jirto walaac gudaha ah oo ka jira FC Barcelona oo la xidhiidha dabeecadda da’yarka Lamine Yamal, iyo sidoo kale khilaaf ka dhex dhacay tababaraha Jarmalka ah Hansi Flick iyo agaasimaha ciyaaraha Deco.
Warbixinta ayaa sheegtay in khilaafka uu sababay in Yamal uu daahay kulan farsamo oo tababaraha iyo ciyaartoydu lahaayeen, taasoo keentay in Flick uu doonayay in uu ganaaxo ciyaaryahanka oo uu ka saaro liiska kulankii ka dhanka ahaa Paris Saint-Germain.
Si kastaba ha ahaatee, Deco ayaa la sheegay inuu si degdeg ah u farageliyay arrinta, isagoo ku qanciyay Flick in Lamine loo oggolaado inuu ciyaaro, si aysan xaaladdu u kicin.
Flick, sida uu qoray wargeyska AS, ma aannu ku farxin faragelinta Deco, isagoo ku adkeystay in anshaxa iyo xeerarka kooxda ay si siman u khuseeyaan dhammaan ciyaartoyda, iyadoon la eegin da’dooda ama muhiimaddooda kooxda.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Barcelona ay sii kordhinayaan walaacooda ku saabsan dhaqanka Lamine Yamal bilihii u dambeeyay, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha ay rumeysan yihiin in qaab nololeedkiisu aannu ka tarjumayn heerka mas’uuliyadda ee looga baahan yahay ciyaartoyda Barcelona.
Waxaa kale oo la sheegay in go’aanka aan lagu ganaaxin Yamal uu yaab ku noqday ciyaartoy badan oo kooxda ah, maadaama magacyo waaweyn sida Koundé, Raphinha iyo Iñaki Peña horay loogu ciqaabay daahid la mid ah.

























