Liverpool vs Manchester United: Arne Slot Oo Helay War Farxad Leh Ka Hor Kulanka Adag!

0
73

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay heli doonto Ryan Gravenberch kulanka adag ee Manchester United usbuucan, inkastoo la beddelay kaddib 45 daqiiqo ciyaartii ugu dambeysay ee uu u saftay xulka Netherlands intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah.

Sida uu sheegay wariyaha David Lynch, inkastoo tababaraha Netherlands Ronald Koeman uu tilmaamay inuu jiro “dhib yar oo muruqa bowdada ah”, go’aanka lagu beddelay Gravenberch wuxuu ahaa taxaddar, halkii uu dhaawac dhab ah ka ahaan lahaa.

“Xulka Netherlands way ogyihiin in Gravenberch uu ciyaaro kulamo badan, ha ahaado koox ama wadan, markaa haddii ay helaan fursad ay ku nasiyaan ciyaaryahan 23 jir ah oo shaqo badan qabta, way ka faa’iideysanayaan,” ayuu yidhi Lynch.

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay aad ugu mahadcelin doonto taas, maadaama uu yahay ciyaaryahankooda ugu fiican booska lambarka 6-aad.”

Liverpool vs Manchester United ayaa la ciyaari doonaa dhammaadka usbuuca, iyadoo Reds ay doonayso inay ka soo kabato saddex guuldarro oo xidhiidh ah.