Xubinta labaad ee Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo bandhigi doonaa, kullan muhiim ah oo maayirka Gabiley la yeeshay Bacadleyaasha Suuqa magaalada iyo ciidanka Dab-demiska, si loo qorsheeyo badqabdka iyo amniga Suuqa iyo ganacsatada.
Inta aynu ku jirno qormada labaad waxa aynu tilmaami doonaa muhiimada kulanka iyo sida ay masuuliyiinta degmada Gabiley uga go’an tahay badbaadada Suuqa iyo ganacsiga magaaladu.
Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Bacadlayaasha Gabiley iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dab-damiska, iyada oo kulankan diiradda lagu saaray arrimo istiraatiiji ah oo la xidhiidha nabadgelyada, badbaadada suuqa iyo kor u qaadista adeegyada dab-damiska ee magaalada Gabiley.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Maayar Kuxigeenka degmada Gabiley, Dr. Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi, waxaana lagu falan qeeyay sidii loo horumarin lahaa deegaanka ganacsiga ee magaalada, loogana hortagi lahaa khataraha dabka iyo musiibooyinka kale ee suurtagalka ah.
Ujeeddada Kulanka ayaa daaranaa dhawr qodob oo muhiim ah kaasi oo ay ka mid yihiin, in si buuxda loo qiimeeyo xaaladda badbaado ee suuqa Gabiley, in la kordhiyo wacyigelinta ganacsatada si ay u qaataan masuuliyadda ilaalinta hantidooda iyo deegaanka ay ka ganacsadaan, sidoo kale in la xoojiyo adeegyada dab-damiska si degdeg ah loogu gurmado xaaladaha degdegga ah iyo in la abuuro hannaan iskaashi oo joogto ah oo dhex mara ganacsatada, maamulka degmada iyo hay’adaha ammaanka.
Maayar Cabdirashiid Haybe Faarax, oo kulanka furay, waxa uu xusay in maamulka Gabiley ka go’an tahay ilaalinta badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda. Wuxuu carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la helo suuq nadiif ah, ammaan ah, iyo in dhammaan hay’adaha la xidhiidha amniga iyo adeegyada degdegga ah ay si dhaw ula shaqeeyaan ganacsatada.
“Maamulka degmada Gabiley wuxuu si gaar ah ugu hawlan yahay sidii loo heli lahaa deegaan ganacsi oo badbaado leh, taasoo kor u qaadaysa dhaqaalaha deegaanka isla markaana dhiirrigelinaysa maalgelinta,” ayuu yidhi Maayar Daacad.
Dhankiisa, Maayar Kuxigeenka, Dr. Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay in wada-shaqeynta hay’adaha dawladda hoose iyo ganacsatada ay fure u tahay horumarka magaalada. Wuxuu ku boorriyey ganacsatada in ay qayb weyn ka qaataan ilaalinta nadaafadda, nabadgelyada iyo la shaqeynta ciidanka dab-damiska.
“Isku-duubni iyo is-faham ayaa lagu gaadhi karaa horumar iyo deegaan suuqeed oo caafimaad qaba,” ayuu yidhi Maayar kuxigeenku.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta xidhiidhka u dhexeeya maamulka dawladda hoose, ganacsatada iyo hay’adaha amniga. Waxaa la filayaa in wada-hadalladan ay horseedaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hormarinayo adeegyada degdegga ah, laguna sugaayo badbaadada suuqa Gabiley.
Maamulka degmada ayaa ku hawlan hirgelinta qorsheyaal istiraatiiji ah oo suuqyada Gabiley ka dhigi doona kuwo u diyaarsan khataraha dabiiciga ah iyo kuwa kale ee degdegga ah, si kor loogu qaado kalsoonida shacabka iyo horumarka guud ee deegaanka.






















