Marcus Rashford Oo sheegay Hal Cashar Oo Uu Cristiano Ronaldo Ka Bartay Intii Ay Wada Joogeen Man United

0
55

Weeraryahanka Barcelona Marcus Rashford ayaa sheegay casharka ugu weyn ee uu ka bartay kabtanka Al Nassr, Cristiano Ronaldo, intii ay wada joogeen Manchester United.

Isagoo la hadlayay ITV ka hor kulanka La Liga ee ay Barcelona la ciyaarayso Girona Sabtida, xiddiga reer England ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu badan ee dalkiisa u ciyaaray taariikhda, taas oo tusaale u noqotay sida uu u adkeystay heerkiisa sare muddo sanado badan ah.

“Cristiano waa ciyaaryahanka dalkiisa matalay tirada ugu badan taariikhda. Waxaan nasiib u yeeshay inaan la ciyaaro. Inaan si dhow u daawado ayaa i bartay waxa ay ka dhigan tahay in la joogteeyo heerka ugu sarreeya sanado badan,” ayuu yidhi Rashford.

Rashford, oo 27 jir ah, ayaa haatan amaah uga ciyaaraya Barcelona isagoo ka yimid Manchester United, waxaana uu si cajiib ah u soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan isagoo door weyn ku leh guulaha kooxda reer Spain.