Zico Oo Magacaabay Ciyaaryahanka Ugu Weyn Taariikhda Kubadda Cagta Africa

0
65

Halyeeyga kubadda cagta Brazil Zico ayaa magacaabay ciyaaryahanka uu u arko kan ugu weyn taariikhda kubadda cagta Afrika, isagoo xusay halyeeygii hore ee Super Eagles, Austin ‘Jay-Jay’ Okocha.

Zico ayaa hadalkan ka sheegay podcast-ka “Obi One” ee uu daadihiyo John Obi Mikel, isagoo si weyn u amaanay qaabka ciyaarta Okocha oo uu ku sifeeyay “mid cajiib ah oo hal-abuur leh”.

“Waan jeclahay Okocha — waa ciyaaryahan cajiib ah. Lambarka 10, Okocha. Eto’o waa mid heer sare ah, George Weah iyo Drogba sidoo kale,” ayuu yidhi Zico.

Halyeeyga reer Brazil ayaa intaas ku daray in Pelé uu weli yahay ciyaaryahanka ugu weyn adduunka abid.

Okocha, oo haatan 52 jir ah, ayaa u saftay Nigeria 73 jeer, isagoo dhaliyay 14 gool, waxaana loo yaqaannaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu hibada badnayd ee Afrika soo martay.