Agaasimaha Wasaarada Degaanka JSL oo Kulammo la Qaatey Masuuliyiinta Gobollada Awdal iyo Gebilay

0
60

Barnaamijka Deegaan-jire ee toddobaadkan waxa aynu si gaar ah diiradda u saaraynaa socdaal shaqo oo muhiim ah oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdi Cali Mahdi, kaasi oo wefti uu hor kacayo ay kormeer ballaadhan ku tageen gobollada Galbeedka dalka, gaar ahaan Awdal iyo Gebilay.

Barnaamijka waxa aynu sidoo kale ku eegaynaa booqashooyinka uu weftigu ku tagey seeraha dabiiciga ah ee Buurta Libaaxley, xarumaha dhir-kobcinta, iyo kulammo muhiim ah oo ay la yeesheen jaamacadaha maxalliga ah, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha wasaaradda ee iskaashi oo ay la leedahay hay’adaha waxbarashada iyo cilmi-baadhiseed.

Haddaba Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdi Cali Mahdi, ayaa socdaal shaqo ku tegay gobollada Awdal iyo Gebilay, halkaas oo uu ka fuliyey kormeerro rasmi ah oo la xidhiidha howlaha shaqo, ilaalinta deegaanka, iyo qorsheyaasha istiraatiijiyadeed ee wasaaradda.

Weftiga agaasimaha oo ka koobnaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimaha Cududda Shaqaalaha, iyo Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Awdal, ayaa safarkooda ka bilaabay magaalada Boorama, halkaas oo ay si dhaw ugu kuurgaleen shaqada ka socota xafiisyada wasaaradda iyo xaaladda guud ee deegaanka gobolka.

Weftigu waxa ay kormeer ku tageen xafiiska wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal, halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta deegaanka. Intaas kaddib, waxa ay booqasho rasmi ah ku tageen Seeraha Buurta Libaaxley, si ay u qiimeeyaan xaaladda deegaanka, ilaalinta dhirta, iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada ee ka jira halkaasi.

Sidoo kale, Agaasimaha guud iyo weftigiisu waxa ay booqdeen Jaamacadda Camuud iyo Seeraha Dawladda ee galbeedka magaalada Boorama, taasoo qayb ka ah dadaallada wasaaraddu ugu jirto daryeelka deegaanka iyo xoojinta dhirta.

Weftigu Agaasimamaha wasaaradda deegaanka waxa kale oo ay booqdeen Jaamacadda Camuud, halkaas oo kulan midho-dhal ah ay kula yeesheen maamulka sare iyo masuuliyiinta jaamacadda. Kulankaasi wuxuu xooga saaray iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda iyo jaamacadda, gaar ahaan sidii si wadajir ah loo horumarin lahaa ilaalinta deegaanka iyo wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada iyadoo la adeegsanayo aqoonta iyo cilmi-baadhista jaamacadda.

Intii uu kormeerku socday, Agaasimaha guud Mudane Cabdi Cali Mahdi waxa uu si rasmi ah Boorama uga daahfuray diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada (2026–2030). Qorshahan ayaa lagu hagayaa hawlaha wasaaradda ee shanta sano ee soo socota, isagoo diiradda saaraya yareynta saamaynta isbeddelka cimilada, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo kordhinta wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale waxa uu dhiirigalin u yahay kulankan qorshaha Istaraatijiga ah ee wasaaraddu in ay qayb ka noqdaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada gobolladu diyaarinta qorshaha lagu hagayo wasaaradda, taasi oo ay ka dhalanayso midnimo iyo wadajir in lagu qabto shaqada wasaaradda.

Ugu dambayn, Agaasimaha guud iyo weftiga la socday ayaa socdaalkooda shaqo ku soo maray magaalada Gebilay, halkaas oo ay booqdeen xarunta wasaaradda deegaanka ee gobolka, una kuurgaleen hawlaha ka socda, sidoo kalena la kulmeen shaqaalaha wasaaradda ee halkaas ka hawlgala. Intaa kaddib, waxa uu Agaasimuhu booqday xarunta dhir-kobcinta ee gobolka Gebilay, taasoo muhiim u ah dadaallada lagu horumarinayo deegaanka iyo kordhinta dhiraynta dalka.

Socdaalka shaqo ee uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu caddeyn u yahay dedaalka joogtada ah ee ay wasaaraddu ugu jirto horumarinta iyo ilaalinta deegaanka dalka. Socdaalkan oo ay wehelinayaan masuuliyiin sare oo wasaaradda ka tirsan, ayaa diiradda lagu saaray kormeerka iyo qiimaynta hawlaha ka socda xafiisyada gobolka, booqashada goobaha dabiiciga ah sida seerayaasha iyo dhir-kobcinta, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha deegaanka, jaamacadaha, iyo bulshada rayidka ah.

Ujeeddada safarka ayaa ah in la dardargeliyo hirgelinta siyaasadaha iyo qorshayaasha wasaaradda ee la xidhiidha la tacaalida isbeddelka cimilada, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo dejinta istaraatijiyado cusub oo waxtar leh oo lagu wajahayo caqabadaha deegaanka. Waxa kale oo uu socdaalkani gacan ka geysanayaa hubinta in adeegyada iyo barnaamijyada wasaaradda si siman u gaadhaan gobollada dalka, loona sameeyo is-waafajin guud oo u dhexeeya heerarka dawladeed ee deegaanka.

Waxa kale oo socdaalku uu fursad u yahay in la ogaado baahiyaha dhabta ah ee ka jira gobollada, loona helo xalal waara oo lagaga jawaabo isbeddelka cimilada, abaaraha, xaalufka dhirta, iyo khataraha kale ee deegaanka saameeya. Tani waxay qayb ka tahay himilada guud ee wasaaradda, taasi oo ah in la helo bulsho si wacyi leh u maamusha deegaanka, una diyaarsan isbeddelada cimiladeed ee soo kordhaya.