Pakistaan iyo Afghaanistan oo ku Heshiiyay Xabbad-joojin Kadib Wadahadalo ka Dhacay Doha

0
105

Pakistan iyo Afghanistan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin degdeg ah kadib wada-hadallo nabadeed oo   ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar, sida ay sheegeen labada dhinac Axaddii. Heshiiska ayaa yimid kadib dagaallo culus oo toddobaad socday oo ka dhacay xadka labada dal, taasoo noqotay rabshaddii ugu xumayd tan iyo markii Taliban ay la wareegtay Afghanistan sanadkii 2021.

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa ku qoray baraha bulshada in xabbad-joojinta la dhammeeyay, isla markaana labada dal ay mar kale kulmi doonaan 25-ka Oktoobar magaalada Istanbul si ay uga wada hadlaan arrimo faahfaahsan.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in la isla gartay xabbad-joojin buuxda oo dhab ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, oo wada-hadallada soo qabanqaabisay, waxay sheegtay in kulammada xiga looga golleeyahay in la hubiyo sii jirista xabbad-joojinta iyo in si hufan loo hirgeliyo.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan kadib markii Pakistan ay ku eedeysay in maleeshiyaad weerarro ka geysanaya gudaha Pakistan ay saldhigyo ku leeyihiin gudaha Afghanistan. Tani ayaa keentay in Pakistan ay duqeymo ka fuliso xadka labada dal, halkaas oo dagaal fool-ka-fool ahna ka dhacay.