Saamaynta Iyo Taagerada Warqaddii Jeelka!

0
65

Nin oday ah oo beeraley ah ayaa u qoray wiilkiisa oo xabsiga ku jira: “Wiilkayga qaaliga ahaw, sanadkan ma awoodi karo inaan beero baradhadii iyadoo weliba ah sanad barwaaqo ah oo beertuna si fiican u bixi lahayd waayo ma awoodo keligay inaan qodo.

Aabo, waxaan ogahay haddii aad ila joogi lahayd inaad i caawin lahayd.” Wiilkii ayaa ugu soo jawaabay isagoo xabsiga ku jira: “Aabbo, maaha inaad ku fikirto inaad beerta qoddo! sababtoo ah waxaan ku aasay lacagtii aan xaday!”.

Markii ay booliisku warqaddii akhriyeen ayay maalintii ku xigtay beerta tegeen oo ay wada qodeen dhamaanteed, iyagoo raadinaya lacagta ku aasan, balse waxba kamay helin!.

Wiilka ayaa Aabihii Maalintii xigtay uu soo qoray warqaddan: “Aabo, hadda ka beero baradhadaada. Taasi waa waxa ugu fiican ee aan halkan kaga qaban karo!”

“Qofka waad xidhi kartaa, laakiin weligaa ma xidhi kartid fikirradiisa!”