Xiddiga Chelsea ee Moises Caicedo ayaa ku biiray Cole Palmer liiska xiddigaha ugu qaalisan Yurub, kadib markii uu gaadhay qiime dhan €100 milyan, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee Premier League ee ay samaysay Transfermarkt.
Cole Palmer ayaa weli ah ciyaaryahanka ugu qiimaha badan ee Chelsea, isagoo lagu qiimeeyay €120 milyan, inkasta oo dhaawac muruqa ah uu u diiday inuu ciyaaro wax ka badan saddex kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, Caicedo ayaa qiimihiisu kor ugu kacay €90m ilaa €100m, kaddib bilow xooggan oo uu sameeyay xilli ciyaareedkiisii saddexaad ee London isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Enzo Maresca.
Ben Littlemore oo ka tirsan Transfermarkt ayaa yidhi: “Dad badan waxay rumeysan yihiin in Caicedo uu yahay ama uu ka mid yahay ciyaartoyda khadka dhexe ee difaaca ugu fiican horyaalka.”
Saxeexa cusub ee Joao Pedro ayaa qiimihiisu kor ugu kacay €65m, halka Enzo Fernandez uu helay koror dhan €5m, taas oo ka dhigtay qiimihiisa €80m, kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.
Marc Cucurella iyo Pedro Neto ayaa sidoo kale helay koror qiimo ah kaddib bilowgii xilli ciyaareedka oo heer sare ahaa.
Palmer, oo ku dhameystay kaalinta siddeedaad ee Ballon d’Or 2025, ayaa ahaa halyeyga guushii Chelsea ee Club World Cup.
Xilli ciyaareedkii hore, wuxuu dhaliyay 18 gool isla markaana bixiyay 14 caawin dhammaan tartamada.

























