Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo Digniin Adag ka soo Saaray Iska-Horkeenka iyo Kicinta Bulshada

0
83

Qore Khadar M. Dhako

Boorama (Dawan) Guddoomiyaha Gobaalka Awdal Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda kicinta iska hor keenka bulshada Gobalka. Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu intaasi ku daray in Saxaafada aanay sabab u noqon dadka doonaya in gudaha dalka kharbudaad ka gaystaan,

Muxumed Xasan Jaamac oo Arimhaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Waxa warbixin idika siinayaa shir labo cisho socday oo gudida nabedgalyada ku gorfaynaysay xaalada gobalka.waxa aan idiin sheegayaa in gobalka yahay amni gudida nabedgalyada ee gobalka waxa ay isla garteen shir labo cisho u socday,madaama dalka cadaw badan leeyahay oo ka soo hor jeeda gudida nabedgalyada waxa ay go,aamo ka soo saartay.in maanta laga bilaabo in ay mamnuuc tahay kana reeban tahay saxaafada cidii ku kacda kicinta bulshada.iska hor keenka beelaha gobalka wada daga in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan,waxa kale gudida nabedgalyada isla, qaateen in saxaafada madaxbanaan iyo dhalinyarta tiktok ee bajajka isticmaasha ee ku soo qoraya wararka kicinta iyo isku dirka dadka walaalaha.ee isku tilmaamaya in saxaafad yihiin talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa.waana in aanay saxaafada sabab u noqon dadka doonaya in gudaha dalka kharbudaad ka gaystaan,in badan ayaan u dulqaadanaynay madaxda dhaqanka.waxaana dhaqan noqotay in madaxda  dhaqanka ku daadaalaan in dambiilaha la sii daayo.waxaana aan ka codsanaynaa madaxda  dhaqanka in ay na garabsiiyaan,”.