Qiso : Xusuusta Murugo Himilo Xambaarsan!

0
60

Lamaane aan labiskooda ka muuqdo saboolnimo ayaa ka deggay tareenkii magaalada Boston waxaana ay toos ugu dhaqaaqeen xafiiska Gudoomiyaha Jaamacadda Harvard University. Kuma ay lahayn wax ballan hore ah, isla markaana may ahayn dadka sumcadda ama magacoodu caanka yahay.

Markii ay galeen xafiiska xoghaynta Jaamacadda ayuu Odaygu si xushmad leh ugu yidhi xoghaynta:
“Waxaan jeclaan lahayn inaan la kulano madaxweynaha Jaamacadda.”

Xoghayihii ayaa dareen aan wanaagsanayn oo diidmo ah ku eegay kuna jawaabay:
” Mashquul weeye maanta oo dhan, mana helaysaan.”

Gabadha ayaa Iyana si deggan u tidhi:
“Taasi dhib ma leh, waan sugeynaa.”  Saacado badan aya tegay, Xoghayaha ayaa iska indha tirayay isagoo rajaynaya inay iska tagaan.

Laakin ugu danbayn isaga oo ka cadhooday adkaysigooda, ayuu u tagay Gudoomiyaha waxaana uu ku yidhi:

“Waxaa laga yaabaa haddii aad la kulanto hal daqiiqo keliya, inay iskaba way baxaan…”

Gudoomiyaha oo aad u qalafsana aya oggolaaday kulankooda. Waxa uu si aan farxad lahayn u salaamay lamaanaha. Markaas ayaa haweeneydii hadalka bilowday:

“Wiilkayagii sanad ayuu halkan wax ka bartay. Aad buu u jeclaa jaamacaddan. Laakiin si lama filaan ah ayuu u geeriyooday. Aniga iyo Odaygaygan waxaan rabnaa inaan sameyno xasuus u gaar ah isaga.”

Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa qoslay isagoo kaftamaya ayuu yidhi:
“Marwo, haddii aan qof walba oo arday ah oo dhinta xusuus u sameyno, Harvard waxay isu rogi lahayd xabaalo!” Haweeneydii ayaa si deggen u sheegtay:
“Maya, ma rabno taallo ama sanam. Waxaan jeclaan lahayn inaan maalgelinno dhismo cusub oo Harvard ah.”

Markaas ayuu Gudoomiyaha Jaamacaddu  qosol la dhacay, isagoo si quudhsi ah u leh:
“Ma garanaysaan qiimaha dhismaha Jaamacaddan ku baxay ? Dhammaan Jaamacaddan Harvard waxay ku kacaysaa wax ka badan toddoba milyan oo dollar!”

Haweeneydii waxay eegatay ninkeeda… ka dibna si deggan ayay u tidhi:
“Ma intaas keliya ayaa looga baahan yahay in jaamacad la dhiso? Haddaba aynu mid u dhisno wiilkeenna.”

Waana sida ay sameeyeen. Lamaanahaas  Leland iyo Jane Stanford, waxay ka tageen Gudoomayaha adag iyo Harvard maalintaas waxaana ay aasaaseen Jaamacadda Stanford ee ku taal Palo Alto, California, si ay ugu xasuusaataan wiilkoodii Leland Jr. dhintay isagoo 15 sano jir ah.

Maanta, jaamacadda ay sameeyeen waxay ka mid tahay kuwa ugu fiican adduunka  iyadoo gashay jaamacadda 15.  Ma ah Jaamcad keliya, balse waa dhaxal jacayl, murugo, iyo himilo weyn xambaarsan.

Cibro: Waligaa ha iska indhatirin qalbiyada aamusan ee riyada weyn xambaarsan.