Ka-ganacsiga Kalluunka ee Suuqyadda Hargeysa iyo Saameyntiisa Bulshada

0
125

 

Qore:Cadnaan bile jamac

Barnaamijkeena Kalluumeysiga ee Todobaadkan ee Wargeyska Dawan, waxa aynu ku lafa-guri doona ganacsiga kalluunka ee suuqyada magaalada Hargeysa.  Muddooyinkii u dambeeyey, iibsashada iyo cunista kalluunka ayaa si weyn u kordhay, iyadoo dad badan ay fahmeen qiimaha caafimaad iyo faa’iidada kalluunka.

Kalluunka waxa uu ka mid yahay khayraadka dabiiciga ah ee Alle ku manaystay ummadda Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool xeebaha oo ka ganacsada kalluunka badda laga soo saaro. Ganacsiga kalluunka ayaa hadda noqday mid si wanaagsan u kobcaya, isagoo si toos ah ugu xidhan baahida dadka magaalooyinka sida Hargeysa.

Mahad Yuusuf Xasan, oo ah mulkiile meherad kalluun, ayaa sheegay in bulshada hore aanay u jeclayn kalluunka, sababtoo ah waxay la xdhiidhin jireen ur xun iyo lafaha badan ee kalluunkii hore, balse hadda, xaaladdu way is beddeshay.

Dadka ayaa bartay inay qiimeeyaan kalluunka nadiifta ah, oo si casri ah loo diyaariyo loona iibiyo. Waxaanu yidhi.“Mar aan xasuusto, ciyaalka iskuulka waxaa la siin jiray shan boqol oo shilin kalluun yar. Waagaas waalidka waxay u arkayeen kalluunka wax aan faa’iido lahayn, haddana dadku waxay fahmeen faa’iidada caafimaad ee kalluunka, tayadiisuna way kordhay,”

Ganacsatada kalluunka ayaa hadda si toos ah ula tartamaya hilibka xoolaha kale, iyagoo bulshada u muujinaya in kalluunku yahay cunto caafimaad leh oo dabiici ah, una fiican maskaxda iyo jidhka.  Waxay doonayaan in kalluunka lagu iibsado suuqa sidii badeeco tayo sare leh oo loo diyaariyey qaab casri ah. Mahad ayaa sheegay in kalluunka badda laga helo noocyo kala duwan oo badan, tusaale ahaan kalluunka ‘bayaadka’ oo leh in ka badan 50 nooc oo kala duwan.

Adeegyada kalluunka sida ‘Finger Fish’, ‘Kaari Fish’, iyo ‘Isteeg’ ayaa ah adeegyo casri ah oo hadda laga helo suuqa.

“Kalluunku waa khayraad ballaadhan oo Alle inagu manaystay. Faa’iidooyinkiisuna waa badan yihiin, balse dadkeennu hore uma ay baran qaabka loo soo qabto, loo isticmaalo ama loo iibiyo. Haddase, malinkasta waa la soo fahmayaa,” ayuu yidhi Mahad.

Mahad waxa uu bulshada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan cunista kalluunka, maadaama uu yahay cunto caafimaad leh oo qiimo jaban, sidoo kalena shaqooyin badan u abuura dhalinyarada xeebaha ku nool iyo ganacsatada gudaha.

Waxaanu yidhi.“Marka la nadiifiyo oo si sax ah loo diyaariyo, kiiloogii hore wuu ka badanayaa, balse waa la qiimeeyaa maadaama tayadu kor u kacayso,”

Kalluunka ma aha oo kaliya badeeco badeed, balse waa laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka bulshada, iyo shaqo-abuurka Somaliland.  Korodhka isticmaalka kalluunka iyo fahamka bulshada ee faa’iidooyinkiisa waxay muujinayaan in bulshada reer Somaliland ay si tartiib tartiib ah u qaadanayso nolol caafimaad leh oo la jaan qaadaysa casriga.

Nuxurka fariinta barnaamijkan

Barnaamijku wuxuu iftiiminayaa sida ganacsiga kalluunka ee magaalada Hargeysa uu u korayo, isla markaana uu u saameyn wanaagsan ku leeyahay bulshada.  Waxaa daaha ka feyday in dadku ay si weyn u kordhiyeen iibsashada iyo cunista kalluunka, iyaga oo fahmay qiimaha caafimaad iyo faa’iidooyinka kalluunka.

Kalluunka oo ah khayraad dabiici ah oo Alle ku manaystay Somaliland, ayaa hadda noqday badeeco caan ka ah suuqa Hargeysa, waxaana si casri ah loo diyaariyaa oo loo iibiyo.

Waraysiyada ganacsatada, sida Mahad Yuusuf Xasan, ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid fahamka bulshada oo hadda qiimeysa kalluunka nadiifka ah, tayadiisana la kororsaday.  Ganacsatada kalluunka ayaa la tartamaya hilibka kale iyaga oo tooshka ku ifiyay in kalluunka uu yahay cunto caafimaad leh oo dabiici ah. Barnaamijku sidoo kale wuxuu xusayaa in kalluunka uu leeyahay noocyo badan, adeegyo casri ahna suuqa laga heli karo.

Waxaa la dhiirrigelinayaa bulshada inay sii wadaan cunista kalluunka maadaama uu caafimaad u fiican yahay, qiimo jaban yahay, kanaalin shaqo abuur u yahay dhalinyarada xeebaha ku nool iyo ganacsatada. Gaba-gabadii kalluunku ma aha oo kaliya badeeco badeed, balse waa laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, iyo shaqo-abuurka Somaliland.  Korodhka isticmaalka kalluunka iyo fahamka bulshada ee faa’iidooyinkiisa waxay muujinayaan horumar caafimaad iyo nolol casri ah oo bulshadu qaadanayso.

Gunaanad:

Barnaamijkeennu wuxuu iftiimiyay korodhka la taaban karo ee ku yimid ganacsiga kalluunka ee magaalada Hargeysa, iyo sida fahamka bulshada uu isubeddelay. Kalluunka oo hore loogu arki jiray cunto aan muhiim ahayn, ayaa maanta noqday badeecad caafimaad leh oo casri ah, dadkuna si kalsooni leh u iibsadaan.

Mahad Yuusuf Xasan iyo ganacsatada kale ee ka shaqeeya kalluumeysiga waxay tusaale u yihiin sida ka ganacsiga khayraadka baddeenu u noqon karo mid kaalin muuqata ka qaata horumarinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo sare u qaadista caafimaadka bulshada. Tani waxay sidoo kale tusaale u tahay sida wacyiga bulshada oo koraa uu  u horumarin karo nolol maalmeedkeeda.

Kalluunka badda Somaliland, oo ah khayraad dabiici ah oo Alle ku manaystay ummadda, ayaa hadda la fahmay muhiimaddiisa, lana gaadhay heer uu noqdo laf-dhabarta cunto caafimaad leh oo suuqyada magaalada laga heli karo.

Waa waajib in la sii xoojiyo barnaamijyada wacyigelinta, la horumariyo suuqyada kalluunka, lana dhiirrigeliyo dhalinyarada si ay doorkooda uga qaataan kobcinta warshadaha kalluumeysiga. Tani waxay suurtagal ka dhigeysaa nolol waarta oo caafimaad leh, dhaqaale kobcaya, iyo bulsho ku naaloonaysa khayraadkeeda dabiiciga ah.