Sanae Takaichi: “Haweeneyda Birta lagu Sifeeyo ee Raysalwasaaraha Ka Noqotay Waddanka Japan

0
83

Sanae Takaichi ayaa si taariikhi ah u noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan, kaddib markii ay baarlamaanka dalkaasi si rasmi ah u ansixiyeen xilkeeda. Takaichi, oo 64 jir ah, ayaa guul muuqata ka gaadhay codbixintii labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo heshay 237 cod oo Aqalka Hoose ah iyo 125 cod oo Aqalka Sare ah.

Doorashadeedu waxay ku timid xilli adag oo uu dalku wajahayo caqabado dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed, isla markaana ay si weyn hoos ugu dhacday kalsoonidii ay shacabka dalka Japan ku qabeen xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP), iyada oo ka dhaxashay siyaasiyiin hore oo xilka uga tegay sababo la xidhiidha fadeexado.

Sanae Takaichi ayaa caan ku ah aragtideeda midigta fog iyo taageerada ku dhisan nidaam siyaasadeed oo adag iyo ku adadkaanta arrimaha qaranimada. Waxaa marar badan la barbardhigay Margaret Thatcher, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, oo lagu naanaysi jiray haweenayda birta ah. Xitaa Sanae Takaichi  ayaa iyada laftigeedu si  toos ah u sheegtay in “hammigeedu yahay in ay noqoto Haweeneyda Birta ah ee Japan.”

Sanae Takaichi waxay ku dhalatay gobolka Nara sanadkii 1961. Aabbaheed wuxuu ahaa shaqaale xafiis, halka hooyadeedna ay ahayd askari booliis ah. In kasta oo ay ka soo jeedo qoys aan siyaasaddu ku badnayn, Takaichi waxay go’aansatay inay fahanto siyaasadda caalamka, gaar ahaan xidhiidhka Mareykanka iyo Japan, taasoo keentay in ay ka shaqayso xafiiska xildhibaanad Mareykan ah intii ay ardayada ahayd.

Kahor intii aanay siyaasadda galin, waxay ahayd barnaamij soo jeediye telefishin, sidoo kale waxay caan ku ahayd inay ahayd durbaantume muusigga culus ah (heavy metal), isla markaana aad u jecleyd baabuurta, gaar ahaan Toyota Supra.

Waxay si rasmi ah siyaasadda u gashay sanadkii 1993, kadib tartan aanay ku guuleysan. Laakiin sanadkii 1994 ayay heshay kursi baarlamaan, waxayna ku biirtay LDP sanadkii 1996. Tan iyo markaas, waxay noqotay xildhibaan 10 jeer, hal mar oo kaliya laga adkaaday.

Takaichi waxay soo qabatay jagooyin kala duwan oo muhiim ah, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Badqabka Dhaqaalaha, Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga. Xilalkan ay qabatay waxay ku kasbatay sumcad ku dhisan go’aan adag iyo daacadnimo siyaasadeed.

Sanae Takaichi waxay ugu dambayn xaqiijisay guusha kadib muddo dheer oo ay u halgamaysay jagadan. Inkasta oo xisbiga Komeito ee LDP isbahaysiga la ahaa  uu kala noqday taageerada, haddana Takaichi waxay xalisay caqabadaas siyaasadeed iyada oo kartideeda ku muujisay heshiis siyaasadeed oo ay la gashay xisbi mucaarid ah, taasoo u suurtagelisay inay hesho aqlabiyad lagama maarmaan u ah ansixinta xilkeeda.

Takaichi waxay hadda hoggaaminaysaa xisbiga LDP xilli uu wajahayo caqabado iyo culays siyaasadeed oo ballaadhan isla markaana uu lumiyay taageero badan, waxaana tartan adag kula jira xisbiga Sanseito oo xag-jir ah. Xisbigan ayaa si degdeg ah ugu fidaya hal-ku-dhegga ah “Japan Marka Hore,” taasoo LDP ka hor timid, iyadoo dad badani dareemayaan in LDP aanu matalin danaha shacabka ee cusub.

Takaichi waxay si adag uga soo horjeeddaa aragtiyo badan oo casri ah: Waxay diidantahay in haweenka guursadaa ay sii haystaan magacooda dhalashada, iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid dhaawacaysa dhaqanka reer Japan. Sidoo kale, waxay ka soo horjeeddaa guurka dadka isku jinsiga ah. Si kastaba ha ahaatee, ololaheeda ugu dambeeyay ayay muujisay dabacsanaan siyaasadeed, iyadoo ballan qaaday: In la dhimo khidmadaha la xidhiidha daryeelka carruurta. In canshuur-dhimis la siiyo shirkadaha bixiya adeegyada caruurta iyo in kor loo qaado adeegyada caafimaadka dumarka iyo dadka waayeelka ah.

Waxay sidoo kale xoogga saartay sidii shaqaalaha daryeelka iyo waalidiinta ay si fudud u heli lahaayeen taageero, maadaama ay sheegtay in iyadu si shaqsi ah u soo martay xaalado ay saddex jeer noqotay daryeelaha qoyska, taasoo ku abuurtay dareen dhab ah oo ay ku wajahayso siyaasadaha qoyska iyo shaqada.

Doorashada Sanae Takaichi waxay muujinaysaa isbeddel siyaasadeed oo muhiim u ah Japan. Iyadoo ah haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagada ra’iisul wasaaraha Japan, waxay la kulmi doontaa tijaabooyin adag, ha noqoto kobcinta dhaqaalaha, la tacaalidda hoos u dhaca dhalmada, ama xallinta xiisadaha siyaasadeed ee gobolka.