Somaliland oo Wajahaysa Fursado Istaraatiijiyeed oo Xambaarsan Horumar Dhaqaale iyo Ictiraaf

0
62

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo ku yaalla mandaqadda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, waxa uu wajahayaa fursado siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo muhiim ah, kuwaas oo haddii si xeel-dheer loo maareeyo lagu gaadhi karo horumar ballaadhan iyo ictiraaf caalami ah. Sidoo kale, waxa jira caqabado barbar socda fursadahaas, kuwaas oo u baahan in diblumaasiyad iyo hannaan miyir leh lagu mareeyo.

Xilliyada sidan oo kale ah, waxa dalku u baahan yahay hoggaan leh aragti fog, damiir qaran, iyo karti siyaasadeed, kuwaas oo si mas’uuliyad leh loogu hago dalka, isla markaana xambaarsan danta guud ee qaranka. Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah xaaladdan oo kale midnimo iyo wada-jir bulsho oo ah laf-dhabarta xasilloonida iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad u muujiyay aragti-siyaasadeed oo aad u qotodheer, isaga oo toddobaadyadii u dambeeyay qaaday tallaabooyin istiraatiiji ah oo muujinaya jihada cusub ee ay siyaasadda dalku u socoto, taas oo ah mid ku dhisan wada-tashi qaran iyo xasillooni siyaasadeed oo lagu higsanayo horumarka dalka iyo mustaqbal ifaya.

Kulamadii uu Madaxweynaha la yeeshay madaxda sare ee qaranka, sida guddoonka baarlamaanka, hay’adaha garsoorka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, iyo ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa ah tallaabo muujinaysa sida Madaxtooyada Somaliland ay ugu diyaarsan tahay in ay dalka ku hoggaamiso siyaasad ku dhisan hufnaan, wada-jir, iyo mas’uuliyad qaran.

Wada-tashigaasi wuxuu caddeynayaa in hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland ay sal u tahay xilkasnimo, diblumaasiyad iyo aragti siyaasadeed oo qotodheer. Sidoo kale kulamadaasi waxay waxay ahaayeen kuwo farriin cad u diraya shacabka Somaliland iyo beesha caalamka ee daneeya geedi-socodka dimuqraadiyadeed. Waxa kale oo uu tusaale u yahay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in hoggaaminta dalka ay noqoto mid wadajir ah oo aan ku koobnayn hal dhinac ama koox gaar ah.

Hoggaanka suuban waxa uu bilaabmaa marka hay’adaha dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada loo arko in lala tashanayo, isla markaana laga qaybgeliyo hawlaha qaranka ee socda. Kulamadan siyaasadeed waxa ay tusaale cad u yihiin dowladnimo ku dhisan hufnaan, kalsooni iyo ku-talo-gal siyaasadeed oo fog.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la xuso safarradii diblomaasiyadeed ee uu Madaxweynaha ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya kuwaas oo ah laba dal oo miisaan culus ku leh gobolka. Haddii iskaashiyadaasi si xeelad leh loo horumariyo, waxa ay noqon karaan jid muhiim ah oo Somaliland uga gudbi karto caqabadaha hor taagan, gaar ahaan xagga aqoonsiga caalamiga ah iyo koboca dhaqaalaha.

Madaxweyne Cirro waxa uu si cad u muujiyay in nabadda, midnimada ummadda iyo dimuqraadiyaddu ay yihiin tiirarka siyaasadda xukuumaddiisa. Hadalkan Madaxweynaha ayaa ah mid si qoto dheer u taabanaya baahida maanta taagan, xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin qaran, islamarkaana ay sare u kacayso rajada ictiraaf-raadinta Somaliland. Sidaa awgeed, waxaa lama huraan ah in laga hortago kala-fogaansho siyaasadeed iyo turxaan bulsho oo carqaladayn kara himilooyinka qaran.

Ugu dambeyn, Somaliland waxa ay ku jirtaa marxalad u baahan hoggaan u heelan ilaalinta wada-jirka shacabka, kobcinta dimuqraadiyadda, iyo abuurista jawi xasilloon oo doorasho lagu gali karo. Madaxweyne Cirro waxa uu muujiyay in uu diyaar u yahay hoggaamintaas, iyada oo Madaxweynaha hore looga bartay fulinta ballanqaadyadiisa, isla markaana ballamihii hore ee uu bulshada u qaaday ay noqdeen kuwo si dhab ah u fulayo oo ficil ahaan la taaban karo, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in guud ahaan shacabka reer Somaliland ay isgarab taagaan dedaalada diblumaasiyadeed ee xukuumadooda, si loo dhiso Somaliland dimuqraadi ah, mideysan, oo diyaar u ah inay la jaanqaaddo isbeddellada gobolka iyo caalamkaba.