Wasiirro ka Ka Hadlay Muhiimada Nabadda iyo Furitaanka Wajiga Kowaad ee Shirka Ceerigaabo

0
60

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada gogosha nabadda ee Ceerigaabo, Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaa) ayaa faahfaahin qoto-dheer ka bixiyay wejiga koowaad ee Shirka Nabadda Ceerigaabo oo shalay si rasmi ah u furmay, waxaanu tilmaamay in gogosha nabaddu ay sii ooli doonto illaa inta ay iskugu soo dhammaanayaan reer Ceerigaabo.

Wasiir Afgaab ayaa sheegay in shirka gogosha nabadda Ceerigaabo uu u socoto si habsami leh, isla markaana ay ka soo qaybgaleen ergooyin tiro badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dalka. Waxa uu tilmaamay in wejiga koowaad ee shirkaasi uu u qabsoomay si guul leh.

“Gogashu way fidsanaan doontaa sida Madaxweynaha qorshahiisu yahay illaa reer Ceerigaabo iskugu soo dhammaadaan, balse maanta (shalay) wejiga koowaad ayaa hada la soo xidhayaa, waxaana ay u socotaa si aad u qurux badan oo wanaagsan”. ayuu yidhi Cisman Afgab

Wuxuu xusay in is-afgarad laga gaadhay qodobo badan oo hore ay isula lafo-gureen waxgaradka iyo guddida qabanqaabada gogosha nabadda, waxaanu yidhi “Waxa iskugu iman doona ergooyin badan oo ka kala yimi gobalka Sanaag iyo guud ahaan ba Somaliland, wax badan oo dadku kala tababayeena hore ayaan u dhammaynay oo hadda waxay gebogabo uun u tahay in dadkii magaalada ku kala tagay ku soo noqdaan uun magaalada”.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo isaguna ka hadlay shirka Ceerigaabo, ayaa hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida ay Somaliland ku naaloonayso ay tahay guusha ugu weyn ee ay gaadhay tan iyo markii ay xornimadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii.

Wasiirku waxa uu si gaar ah u ammaanay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), dadaalka uu geliyay hirgelinta siyaasado xoojinaya nabadda gudaha dalka, gaar ahaan gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland.

Wasiir Yoonis oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nabadda ay Somaliland ku naaloonayso waa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ay gaadhay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay xornimadeeda sannadkii 1991-kii

Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga ka duulaya qodobkaasi Wuxu dedaal aad u badan ku bixiyay in uu xoojiyo nabadda ay caanka ku tahay Somaliland, waxaanu qaaday tallaabooyin aad muhiim u ah oo uu mudnaan gaar ah ku siinayo nabadaynta gobollada galbeedka iyo bariga Somaliland oo aynu maanta midho-dhalkoodii si fiican u aragno, Illaahay ku guuleeyay.

Si loo ilaaliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka bulshada Somaliland, nabadayntu waxa ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay aaminsan tahay in lagu gaadhi karo xasilooni buuxda, horumar iyo isku duubni bulsho.

Guul iyo gobanimo ayaan ka raejaynayaa shirka lagu xoojinayo wadajirka iyo nabadda bulshada walaalaha ah ee ku wada nool magaalada Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag.

Wadajir iyo waxqabad”