Arsène Wenger Oo Bannaanka Keenay Sababta Aanay Liverpool Ugu Guuleysan Karin Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
81

Halyeeygii hore ee Arsenal Arsène Wenger ayaa si buuxda u aaminsan in Mikel Arteta uu dhisay koox awood u leh hanashada Premier League, isagoo sheegay in Arsenal ay hadda leedahay koox “ka dhameystiran” tan Liverpool.

Kooxda Liverpool, oo ah horyaalka Premier League ee hadda, ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku bixisay suuqa in ka badan £400 milyan, iyagoo keenay xiddigo ay ka mid yihiin Florian Wirtz iyo Alexander Isak, labadaba qiimahoodu wuxuu ka sareeyay £100 milyan.

In kasta oo dad badani filayeen in kooxda Arne Slot ay markale si xoog leh uga hormari doonto kooxaha kale, haddana Liverpool ayaa haatan la kulantay hoos u dhac weyn – kaddib markii ay badiyeen toddobadii kulan ee ugu horreeyay, waxay lumiyeen afar ciyaar oo xidhiidh ah, taasoo ka dhigtay inay kaalinta afraad ka galaan horyaalka, afar dhibcood na ka dambeeyaan Arsenal.

Dhanka kale, Arsenal ayaa xilli ciyaareedka si cajiib ah ku bilaabatay, iyagoo suuqa ku qarash gareeyay in ka badan £250 milyan, waxaana kooxda Arteta lagu tilmaamay kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2004.

Wenger oo la hadlay beIN SPORTS ayaa yidhi:

“Shaki la’aan, haa, Arsenal waa koox dhab ah oo u tartami karta horyaalka. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo sanad walba sidaas ayaan dhahaa, laakiin sanadkan si dhab ah ayay u qalabeysan yihiin.”

 

“Markaad isbarbar dhigto Liverpool – waxaan daawanayay ciyaartii ay la yeesheen Chelsea, Szoboszlai wuxuu ahaa daafac midig, Gravenberch-na wuxuu ahaa daafac dhexe! Arsenal marna ma geli lahayn xaalad noocaas ah.”

Wenger ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka Liverpool haatan haysta kaddib afar guuldarro oo xidhiidh ah oo ay kala kulmeen Crystal Palace, Galatasaray, Chelsea, iyo Manchester United.

 

“Mararka qaarkood ciyaartoydu waxay u baahan yihiin waqti si ay ula qabsadaan kooxda” ayuu yidhi Wenger.

 

“Isak waa mid leh karti, Wirtz-na waa hal abuure, laakiin haatan heerkii laga filayay weli ma gaadhin.”