Waxaa hubaal ah oo aan hadal ka taagneyn in Somaliland ay ku nool yihiin dad dun wanaagsan oo dan-wadaag ah oo ka tashashada danahooda aayatiin, iyagoo hiigsanaaya meel sare oo aan marnaba loo higaadin, iyagoon ka habran runta si kastooy u dacareysan tahay, waa ummad aan u sameyneyn ku noolaanshaha ciilka iyo caloolyowga, kana baydha weecsanaanta fikiradaha guracan ee aan mihiibsiga u noqoneyn dadkooda Iyo dalkooda, si kastaba ha noqotee, kolka xaaaladu cakiranto ayaa la kala soocaa indhaw-garadka iyo indheer-garadka, doqonka iyo fariidka, fuleyga iyo geesiga.
Geesigaas oo lagu garto ku faro-adeyga iyo aayo ka talinta maslaxada guudee qaranka, si kastaba ha ahatee, dun wanaaga iyo dadnimada lagu tuhmaayo ayaa ah dhidhiibsiga iyo dhawrsanaanta marka xaaladu cirka isku shareerto ee uu fuleygu shakiyo, ayaabaa la kala ogaadaa raasamaalka dhaqameed ay leeyihiin bulshadda Somaliland.
Ku dhiiranaanta iyo is daba-qabashada xasiloon ayay kaga uga gudbaan dabin walba oo loo maleego hadii ay noqoto Goob iyo Fardaar ama Dhidib, taasoo ay bulshadda Somaliland garanayaan halka xaydaabka u ah ee aan la dhaafi kareyn.
kolkaa ha noqon waxay doonayaan inaad noqoto oo hana diidin waxay diidayaan oo ay danta qaranku ka madhan tahay, koleyba waxaa laysu xambaarin sumcad iyo sawrac aan muujineyn muunada guud ee Somaliland, hadii aan run lagu rafiiqin, raalina laysaga noqon oo aan riyo maal-meedka laga bixin oo aan tallada wanaagsan lagu mintidin waxaa adkaaneysa ka midho-dhallinta rejada iyoriyada Somaliland, iyadooy sidaa tahay ayaa waxaa biyo kama dhibcaan ah inaan laysku deyin in ummad la wada qanciyo, laakiin ku faro-adeyga fikirta xorta iyo adkeynta qiyamka qarannimo ayaa ah masiirka ugu sareeya ee Dawladnimo.
Qoraa Yaasiin Daahir Cumar






















